Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud Ee Magaalada B/weyne oo shalay ilaa xalay ay dagaala ka socdeen ayaa maanta ahayd mid xasiloon iyadoo Koxda Xizbul Islaam ay sheegteen weerarkii shalay dhacay.
Waxaa saaka caadi ku soo laabtay goobihiui shalay ilaa xalay ay dagaalada ka dhacayeen Ee gudaha Magaalada B/weyne halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamada dowlada iyo xoogaga Mucaaradka Ee Xizbul Islaam iyo alshabaab.
Waxaa gabi ahaanba dib u furmay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka gudaha magaalada B/weyne halkaasi oo shalay ilaa xalay ay dagaalada ka socanayeen balse qasaaraha ay geysteen ay ahayd mid aad u kooban.
Sheekh Cabdi Maxamad Cismaan  oo ka mida saraakiisha kooxda Xizbul Islaam Ee Magaalada B/weyne ayaa maanta saxaafada u sheegay in ay dhankooda weerarka ku qaadeen fariisinada Ciidamada Dowlada ee gudaha Magaaladaasi halkaasi oo uu sheegay in muslimiinta lagu dhibaatayn jiray.
Wadaadkaasi ka mida ururka Xizbul Islaam ayaa sheegay in dhankoda ay u dulqaadan waayeen dhaqamada Ciidamada dowlada ay maalmahan ka wadeen gudaha Magaalada B/weyne isagoo ku Eedeeyay in ay bartilmaameyd ka dhiganayeen dadka ay ka muuqato Sunnada iyo astaamaha diinta gawaaridana ay kala dagayeen.
Hadaba hadaladan ka soo yeeraya Kooxda Xizbul Islaam ayaa u muuqanayay in ururkaasi ay xiligan u soo jeesteen weerarada ku dhifo oo ka dhaqaaqda ah kuwaasi oo uu sheegay in ay Gobolka uga saarayaan Ciidamada xiligan maamulka haya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.