Xaalad ammaan daro oo laga dareemayo Degmada Waabari Muqdisho.

Posted on Apr 6 2010 - 8:39am by News Desk
Tweet
Pin It

dfsBartamaha(Muqdisho):-Kooxo ku libisan dareeska Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay dhac iyo baarasho ka geysanayeen Xaafado ka mida Degmada Waarabi Muqdisho.

Kooxahan ayaa waxa ay saacadihii ugu dambeeyay dileen Laba dhalinyara ah oo ay doonayeen in ay ka dhacaan Mobailada gacan qaadka ah oo inta badan ay dhacaan Kooxahan.

Dhaca Mobilada ayaa sabab u noqoda in la dilo qofka wada marka uu ka diido kooxaha Burcada ah in ay ka qaataan Mobailka oo dad badan loo dilay saacadihii ugu dambeeyay.

Kooxaha dhaca geysanaya ayaa waxa ay yihiin Cidianka Dowlada kuwaasi oo ka soo baxaya saldhigyada ay ku leeyihiin Xaafadaha Degmadaasi Waabari oo ay dhacva ka wadaan.

Saraakiisha Dowlada ayaa waxa ay inta badan sheegaan in ay jiraan Koxo ku libisan dareeska Dowlada oo dadka dhaca wallow ay balan qaadka ay sameeyaan uu noqdo in ay wax ka qabanayan oo qudha.Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia