Wiil ka soo goostay Shabaab oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Posted on Jul 10 2010 - 6:50am by News Desk
Tweet
Pin It

bisBartamaha  (Muqdisho):- Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa xalay toogasho ku dishay wiil dhalinyara ah oo xilli hore ka soo goostay Maleeshiyada Alshabaab.

Saddex dhalinyara ah oom Bistoolado ku hubaysan ayaa xalay fiidkii hore toogasho u geystay wiil dhalinyara ah gudaha Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarada ah ee Xalay la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/Wali Xuseen kaasi oo horayy uga soo goostay Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Wiilka la dilay ayaa xiliga rasaasta ay ku dhacaysay ka soo baxay Masjidka Muuse Boqor Degmada Waabari halkaasi oo ay ku dileen Bistooladleyda dilalka caanka ku ah.

Ehelada uu ka dhashay wiilkaasi ayaa maydka ka qaaday banaanka hore Ee Masjidka sida ay www.Bartamaha.com u sheegeen qaar ka mida goobjoogayaasha falkaasi waxaana la tuhunsanyahay in wiilkaasi uu sababsaday ka soo bixidiii Alshabaab.

Wiilka la dilay ayaa dhawaanahan dib ugu laabtay Dugsi sare uu ka dhiganayay KM.4 waxaana la toogtay isagoo aan wax lug ah ku lahayn dhawaanahan xaalada daganaansho xumo ee Caasimada sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray gaari dagaal oo Ciidanka Dowlada ay la socdeen wallow aanay ku guulaysan soo qabashada ragga falkaasi geystay iyadoo Degmada Waabari ay ka mid tahay meelaha ay ku badanyihiin kooxaha wax dila.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.