Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo wejiyada soo duubtay ayaa duhurnimadii maanta wiil dhalinyara ah ku toogteen Xaafada Siinaay Degmada Wardhiigle Ee Muqdisho.
Kooxaha hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ay dil bareer ah u geysteen wiilkaasi dhalinyarada ahaa xilli uu ku sugnaa Suuqa Siinaay halkaasi oo la sheegay in uu ka soo doontay adeeg uu guriga raashin uga samaysanayay.
Wiilka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka dagan Xaafada Siinaay islamarkaana ilaala ka ahaa guriga reerkooda ay ka qexeen balse maanta ay dil u geysteen kooxo wejiyada soo qarsaday.
Dablayda dishay ayaa la sheegay in ay ahaayeen 3-dhalinyaro indhaha u xernaayeen kuwaasi oo si daganaan ah u8ga dhaqaaqay goobta ay nafta uga jareen wiil 22-sano jir ah oo deegaankaasi ku noolaa.
Dilalka aan ujeedadooda la garan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay Xaafadaha dagaalada looga cararay Ee Degmooyinka Muqdisho oo inta badan shaki laga qabo kooxaha dilkaasi geysanaya.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.