Weerar gaadma ah oo xalay deegaanka Mahadaay ay ku qaadeen ciidamadii Maamulkii Maxkamadaha Sh.Dhexe.

Posted on May 21 2009 - 7:37am by News Desk
Tweet
Pin It

weerar1Bartamaha (Muqdisho):-weerarkan oo ahaa mid gaadma ah ayaa xalay abaara 3dii Aroornimo ee waabarigii saaka waxaa Degmada Mahadaay ku qaaday ciidamadii Maxkamadihii lagala wareegay dhawaan deegaanada Jowhar iyo Mahadaay kuwaasi oo maalmahan abaabul dagaal ka waday deegaano kale.

weerarka ayaa waxa uu ku bilowday madaafiuicda Garbaha laga tuuro taasi oo lagu garaacay fariisino ay ku sugnaayeen Kooxda dhwaan Mahadaay la wareegtay Ee Xizbul Islaam.

Kooxda Maxkamadaha oo xagooda weerarka xalay dhacay ka masuul ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay dhowr jiho ka soo galeen magaalada iyadoo kooxda deegaanka haysatay ay la kulmeen weerar culsu oo aanay horey u filaynin maadaama deegaanadaasi aanay ku dhaweyn raga maxkamadaha ee deegaanadaasi laga saaray.

Waxaa weerarkii xalay la sheegay in ay dhanka kooxda Xizbul Islaam ay kaga geeriyoodeen ilaa 2askari oo kooxdooda ahaa oo uu haleelay qoriga qarxa ee garabka laga tuuro.

Ilaa haatan lama oga kooxdii weerarka so qaaday waxa ay la kulmeen maadaama xilli habeen ah ay soo weerareen deegaankaasi iyadoo ay gabi ahaanba ay halkaasi isaga tageen ka dib iska cabin ay la kulmeen.

Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com

Muqisho-Somalia.