Wasiiro Cusub oo Maanta Madaxtooyada lagu Dhaariyey (SAWIRO)

Posted on Jul 11 2010 - 4:58pm by News Desk
Tweet
Pin It

IMG_0075(Muqdisho, Soomaaliya, July 11, 2010)  Xaflad dhaar oo lagu dhaarinayey wasiiradii uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa maanta ka dhacday xarrunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, xafladdaas oo uu goob joog ka ahaa, Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Wasiirada la dhaariyey waxay kala ahaayeen, R/wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Waaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe), Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Maxamuud Jirde Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Yuusuf Geelle Ugaas,Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta Xuseen Warsame Samatar, Wasaaradda Waxbarashda iyo Barbaarinta  C/nuur Macalin Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Dhaqancelinta iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirka Wasaaradda Hub ka Dhigista iyo Jiheynta Maleeshiyaadka, Cumar Cali Rooble, waxaa isaguna xafladda goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf oo horay loo dhaariyey iyo Wasiiro kale.

[slidepress gallery='wasiiro']

Xafladda waxaa lagu bilaabay aayado Quraan ah oo uu akhriyey, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, kaddibna Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa akhriyey magacyada Wasiirada cusub isaga oo tilmaamay in ay wax weyn ku soo kordhin doonaan golihiisa Wasiirada, dhanka kalana ka codsaday Madaxweynaha in uu aqbalo soo jiidinta isla markaana la dhaariyo.

Intaa kaddib, wasiirka Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Macallin Aden ayaa dhaariyey Wasiirada cusub, iyada oo ugu danbayn oo Madaxweynuhu madasha ka jeediyey kalmad soo dhaweyn iyo dardaaran ah, isaga oo ku adkeeyey wasiirada cusub in ay wax weyn soo kordhiyaan golaha wasiirada, maaddaama ay xaaladda dalku adag tahay waqtiga dowladda FKM ahi ay haysatana laga filayo in ay guulu la taaban karo soo hoyiyaan.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu Wasiirada ku adkeeyey in ay wasaaradahooda dhisaan, kuna soo xulaan shaqaalaha aqoon iyo karti.

___

Communications / Warfaafinta