Bartamaha (Muqdisho) :- Wariye ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas wiifta ah oo kula dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho.
Wariyan dhaawaca soo gaaray ayaa waxa la kulmay ka dib markii rasaas wiifta ah ay ku haleeshay gudaha Suuqa Bakaaraha oo wadooyin ka mida ay liif soo saarteen Ciidanka Amisom oo dagaal kula jira Islaamiyiinta Mucaaradka.
Wariyaha dhaawaca soo gaaray ayaa lagu magacaabaa Maxamed C/qaadir Cilmi “Amoore” oo rasaasta ay haleeshay isaga oo marayay gudaha Bakaaraha waxaana dad goob joog ah ay xaqiijiyeen in dhaawaca uu ka soo gaaray Garabka.
Sixifiga dhaawaca soo gaaray ayaa loola cararay Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dabiibayo wariyaha dhaawac uu ka soo gaaray rasaasta ka haleeshay dhinaca garabka.
Xaalada wariye Maxamed C/qaadir Cilmi “Amoore” ayaa ka soo raynaysa sida ay Bartamaha Media u sheegeen qaar ka mida suxufiyiin saaka ku booqday Isbitaalka la dhigay wariyahaasi dhaawacmay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.