Barnaamijka Wargelin todobaadkan wuxuu ku saabsan yahay :
Khudbaddii sanadlaha ee madaxweyne Obaama, Waraysigii Xisbiga dhallinyarada wadaniyiinta Soomaaliya ee Hanoolaato oo aan uga soo qaadnay magaalada NAyroobi , Apple oo soo saartay aalad cusub oo lagu magacaabo I-Pad, La kari cuntada Jamaal, Video-gii todobaadka iyo waxyaalo kale oo badan oo ay ka mid yihiin Warbixintii Isboortiga iyo ciyaaraha Africa. Waxaa kaloo idiin soo gudbinaynaa warbiximihii Wiilwaal.
Daawo:
Waad salaaman tihiin
Ururkan hanoolaato ma aha mid u adeegaya danaha dadka sababha aan xusi doono ayuusan ku aheyn mid ummada oo dhan u noqon kara urur matala
Horta xeerka ururka u dagsan ayaan waafaqsaneyn xaqiiqda maanta Soomaaliya waxa ey ku dhisan-tahay nidaam federali ah waxaana asal u ah qabiil ururkan waxa uu aamisan yahay in nidaamkaas federal uusan dan u heyn shacab balse ururka hanoolaato ma eysan keenin nidaam ka duwan kan federal oo ey Soomaalidu isku raaci karto waxaa iyana suaal ah in Soomaalidu tahay bulsho aan qasab waxba ku laheyn amase fikirad aan bisl-ley sida dadka imka siyaasada ururka u qaabilsan iibgeyntiisa waxaa ka muuqata biseyl yari khibrad laan iyo deg deg badan waxaan kula talinayaa iney ka feejignaadan arimahan aan xusey kuna qancaan nidaam dadka Soomaali oo dhan ey dhisatey