Wargelin (01/16/10) 2 Wiil oo dilkii MNPLS loo hayo, Video laga hayo wiilka dilka gaystay, Warbixino:Haiti, Nairobi, Man City

Posted on Jan 17 2010 - 6:53am by News Desk
Tweet
Pin It

wargelin 01 16 10 rbcBartamaha — Todobaadkan barnaamijka Wargelin waxaa ku jira: Warbixin dheeraad ah oo aanu idiinkaga hayno sidaan idiin ballanqaadnay barnaamijkeenii ugu danbeeyay (Jan. 02/10) inaan idiin soo gudbin doono wixii kusoo kordha dilkii dhallinyarada Soomaaliyeed lagu dilay Seward Market Minneapolis, Minnesota. Waxaan idiin haynaa fiidiyoow aan hadda ka hor ka duubnay Mahid A. Cali oo ah wiilka saddexda nin gacantiisa ku dilay, fiidiyowgan oo aan dib u baarnay markaan sawirka Mahdi aragnay waana fiidiyow aanan cid kale haysan oo u gaar ah Bartamaha/Wargelin.
Qeybo kale oo xiiso badan ayaa barnaamijka todobaadkan ku jira oo ay ka mid yihiin: Nin Ingiriis ah oo la yiraahdo Martin Owen oo Af Soomaaliga ku hadla waxna ku bara, Mudaharaadkii Nairobi jimcihii ka dhacay, C/maalik Askar oo Soomaaliya Fiidiyow kasoo duubay, Dhul gariirkii Haiti ka dhacay, C/salam Caddaay oo usoo saftay Manchester City, Safiirka Turkiga maxaa kursiga gaaban loogu fariisiyay? iyo waxyaalo kale oo aad u xiiso badan.

Daawo