Wararkii ugu danbeeyay Dagaalada Dhuusa-Mareeb Ahlu Sunnah oo magaaladaasi dib u qabsatay.

Posted on Jan 2 2010 - 4:04pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaBartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Wararkii gabal dhicii galabta naga soo gaaray Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in Ciidanka Ahlu sunnah ay dib u qabsadeen Degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Ahlu Sunnah ay dib u qabsadeen Degmada Dhuusa-Mareeb ka dib dagaal galabta halkaasi ka dhacay.

Gurmad uga yimid Kooxda Ahlu Sunnah dhanka Caabud-Waaq ayaa sheegaya in taasi ay dhalisay dagaal xoogaystay galabta kaasi oo Alshabaab dib looga saaray Dhuusa-mareeb.

Saraakiil u hadashay Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay guula ka gaareen islamarkaana ay qabsadeen gawaari dagaal oo aad u fara badan markii Ciidanka Ahlu Sunnah ay isaga carareen dhuusamareeb.

Dhanka Ahlu Sunnah ayaa iyaduna arintaasi beenisay iyadoo afhayeenka Kooxdaasi Abu-Yuusuf Al-Qaadi uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid barakaysan oo Kooxo uu ku sheegay Khawaarij ay ku laayeen.

Wararka is diidan iyo guula sheegashada labada dhinac marka laga soo tago Caawa waxaa Magaalaasi ganact ku haya Kooxda Ahlu Sunnah oo saaka dagaal looga saaray wallow galabta ay deegaankaasi yimaadeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.