War Deg-Deg ah:-Duqeyn iyo Dagaal hadda ka bilowday Degmooyinka C/Casiis iyo Shibis.

Posted on Mar 11 2010 - 7:23am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta xoogan ayaa laga maqlayaa Xaafadaha Magaalada Muqdisho markii daqiiqado ka hor uu dib u qarxay dagaal shalay ka bilowday Woqooyiga Muqdisho.

Wararka aynu ka helayno aagaga hore ee dagaalada ayaa sheegaya in dagaalka uu xoogiisa ka qarxay Xaafado ka mida Degmada C.Casiis iyo Degmada Shibis qeybo ka mida oo xalay ay ku gabal dhacsadeen labada Koox.

Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid xoogan iyadoo Ciidamada Amisom ay si toos ah ugu qalabqaateen dagaalkaasi oo Taangiyadooda ay ka qeybgalayaan sida warareka aynu ku helnay.

Duqeyn ayaa waxa ay toos ugu dhacaysaa Xaafadaha Kaaraan iyo Yaaqshiid waxaana warar hordhac ah oo aynu helnay ay sheegayaan in dad shacab ah ay ku la’deen xaafada Arjantiin Degmada Kaaraan.

Wixii dagaalka socanaya ku soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.