War Deg-Deg ah: Dagaal Xoogan oo ka qarxay Duleedka Magaalada Balad-Weyne iyo Ciidamada Xizbul Islaam oo soo guranaya.

Posted on Oct 31 2009 - 11:01am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamaha1Bartamaha (Ceel-gaal) Dagaal Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xizbul Islaam ayaa ka bilowday Duleedka Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan iyadoo Ciidamada Xizbul Islaam ay Magaalada ku soo noqonayaan.

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa Magaalada Balad-Weyne ka dib markii Dagaal xoogan uu ka bilowday Deegaanka Ceel-Gaal Ee Gobolaka Hiiraan iyadoo la soo sheegayo in rasaasta Magaalada ay soo gaartay.

Wararka haatan naga soo gaaray Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Xizbul Islaam ay ka baqa dirirayaan meel u dhow Magaalada ka dib markii Ciidamada Dowlada ay awood xoogan soo saareen.

Rasaasta Wiiftada ah ayaa waxa ay dad ku dhaawacday Hotelka Webi Shabeele gudaha Magaalada Balad-Weyne taasi oo dadka Cabsi ku abuurtay iyadoo Ciidamada Xizbul Islaam ay abaabul ka wadaan gudaha Magaalada Saldhigyada ay ka joogaan.

Wixii Warar ah ee www.Bartamaha.Com Xafiiskiisa Warqabadka Soo gaara kala Soco www.Bartamaha.Com Insha Allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.