War Deg-Deg ah: Dagaal aan waxba la iskula harin oo Muqdsho ka socanaya

Posted on Mar 10 2010 - 3:12pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha (Muqdisho) Dagaal qaraar ayaa xiligan ka socanaya Xaafadaha Degmooyinka C.Casiis iyo Shibis e Muqdisho halkaasi oo ay isku hayaan Ciidanka Dowlada iyo Alshabaab iyadoo taangiyada Amisom ay dagaalka galeen.

Wararka naga soo gaaraya Xaafadaha Degmada Shibis iyo C.Casiis ayaa sheegaya in dagaal xoogan ay Ciidamada Dowlada iyo Amisom  ku qaadeen galabta xaafadaha ay joogeen Alshabaab oo saaka xilli laga saaray wallow ay ku soo noqdeen.

Gabal dhicii ayaa waxaa bilowday dagaalka xogan waxaana dhawaqa Hoobiyayaasha ,Pmka iyo hubka kale laga maqlayaa inta badan magaalada Muqdisho iyadoo dadka ay dareemayaan qalqal xoogan.

Xiriiro aan la samaynaya Deegaanada Kaaraan iyo Shibis ayaa dadku waxa ay inoo xaqiijiyeen in Ciidamada Amisom  gaar ahaan kuwa Taangiyada ay dagaalka ku biireen oo ay joogaan xaafadaha dagaalka uu ka socanayo kana qeybqaadanayaan dagaalkasi.

Madaafiic ayaa sida roobka oo kale ugu dhacaysa xaafadaha Huriwaa iyo Yaaqshiid degmooyinkaais oo ka fog halka uu ka socanayo dagaalka qaraar ee u dhexeeya Ciidanka Dowlada iyo Alshabaab sida maanta ay guulaha u kala sheegteen.

Wixii Warar ah ee dagaalka ka socanaya Muqdisho ku soo kordha waxaad kala xiriiri kartaa www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.