Bartamaha (Muqdisho):- Sida warar naga soo gaaray Deegaanada Duleedka Muqdisho ay sheegayaan waxaa maanta halkaasi ka dhacay banaanbax ay dhigayaan dadweyne caraysan oo ka soo horjeeda Gubida Kutubka Qur’aanka Kariimka.
Dadweyne caraysan ayaa isugu soo baxay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay ka dhigayaan banaanbax cara Xambaarsan oo lagu gubayo calamada qaar ka mida wadamada reer Galbeedka.
Wariye Madax banaan oo ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in banaanbaxa uu yahay mid balaaran waxaana uu ka socanayay wadada u dhexeysa Muqdisho illaa Afgooye oo ardayda iyo dadka deegaanka ay isugu soo bexeen.
Xoogaga Islaamiyiinta qaarkood ayaa banaanbaxca ka qeyb ah waxaana illaa haatan la gubay Calamada Wadamada Maraykanka iyo Qaramada Midoobe oo si gaar ah ay dadka caraysan u gubayaan.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Allahu Akbar iyo Maraykanka ha dhaco iyo erayo kale sida ay wararka nagu soo gaareen iyadoo dad badan ay Kutubka Qur’aanka kor u qaadayeen.
Dadka banaanbaxayay ayaa qaarkood waxa ay gubeen Calanka Maraykanka iyo kan UN-ka sida qof goob joog ah uu noo sheegay iyadoo Muuqaalada ardayda laga dheecanayay sida ay uga caraysanaayeen Kutubka Qur’aanka ee la gubay.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
somalia weli ma heysan dowlad nimo umana dhawidiin laakinse alaha idin garsiiyo weyse idinka fog tahay
leyla adigu somalida kama midtihid. somali maxay is raacdaa adoo midhan baa ka dhashee.