Wafdi ka socday Dowlada Kuwait oo gaaray Magaalada Garoowe.

Posted on Feb 27 2010 - 2:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

garoonka_diyaaradaha_4Bartamaha(Garoowe):-Wafdi balaaran oo ka socday Dowlada Kuwait ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Maamulka Dowlada Goboledka Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta soo gaaray wafti balaaran oo ka socda Dowlada Kuwait kuwaasi oo dhawaan soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolkaasi Bari.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Faarax Aadan Dhalac,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Maxamed Cali Biixi,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntlnad C/xakiim Axmed Guuleed iyo madax kale .

Wafdiga ayaa waxa ay yihiin kuwa dhawaan shirar la yeelanaya Madaxweynaha Puntland oo ay ku sugayeen Magaalada Boosaaso oo muddo 3-Cisho ah ay daganayaaeen.

Wafdiga oo ay la socdeen dhaqaatiir ka socotay hay’ad soomaali ah ayaa waxa ay indha fiiqid u sameeyeen in ka gaban 80-qof oo dagan magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhowdhow.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxa uu dhacayaa saacadaha soo aadan iyagoo Kooxdaasi ka socotay Kuwait ay la tashanayaan Madaxweyne Faroole qaabkii ay uga sii shaqeyn alahaayeen Deegaanada Dowlada Goboleedka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.