Wadaadadii galay Kaniisada Lutheran Ee Minnesota oo Saxaafada u qeyshaday (Dhagayso).

Posted on Oct 15 2010 - 7:48am by News Desk
Tweet
Pin It

Multi_Faith_Leaders01_092810BARTAMAHA (MINNESOTA):- Muslimiinta Soomaaliyeed ee Minnesota deggen ayaa cambaareynaya wax ay rumeysan yihiin inay tahay fikrado argagixiso oo ay taageersan yihiin imaam jooga labada magaalo ee mataanaha ah  iyo Maamulaha Website Local Somali ah.

Waxaa xanaaq leh labada nin waxay dadka hortiisa ku jeesjeeseen hogaamiyayaasha ruuxiga ee Islaamka sidii gaalo kaddib markay dhowaan xaadireen Xaflad Mideynta

Waxay  28 Simteember  u muuqatay inay halkaas ka dhacday salaad u muuqatay mid aan dhib lahayn. KiristaanYuhuudHinduu, iyo hogaamiyayaasha kale ayaa garabka garabka u saaray muslimiinta Kaniisadda Dhexe ee Lutheran oo ku taal Minneapolis.

Waxay rabeen inay imaamyada ku dejiyaan/niyad-qaboojin maaddama lagu jiro waqti Islaamka colaad looga soo horjeedo ay saameysay qeybo badan oo Maraykanka ah sida arrintii Wacdiyihii Foloorida ee qorsheynayey inuu gubo Kitaabka Qur’aanka ah. Madaxda Mideynta Diimuhu waxay sheegeen in muslimta lagu soo dhoweynayo Minnesota.

C/Salaan Aadan oo ah sarkaal ka socda masaajid Minneapolis ku yaal oo soo xaadiray salaadda wuxuu sheegay in arrintaasi taabatay (Ka-hadalkii kaniisad-galidda).

” Waxaan ognnahay soo-dhoweynta dadka Minnesota, furfurnaantooda, iyo Dulqaadkooda, “C/Salaam Aadan baa yiri. ” Waa arrin aan mar walba qireynno. Sidaas darteed waxaan u maleynayaa waa arrin kale oo tusaale waangsan u ah hogaaminta, wada-jirka iyo dadka Minnesota oo u shaqeynaya wanaagga bulshada.

Laakiin ilaa markaas, C/Salaam Aadan wuxuu ogaaday in qof kasta oo bulshadiisa (Soomaalida) ah uusan heyn dareenkaas kulul ee ku wajahan salaadda.

Imaamka Minneapolis wuxuu magacaabay C/Qani Ali (Qardhaawi) inuu tagay taleefishinka iyo idaacad Soomaali ah, caddeeyeynna in dadkii salaadda ka qeybgalay ay yihiin kuwa Islaamka ka baxay. Hadalkii Cali (Qardhaawi) waxaa ku celceliyey bog internet oo uu leeyahayAbdiwali Dalboon Warsame. Warsame wuxuu boggiisa ku qoray in dadkii ka qeybqaatay kaniisadda ka baxeen Islaamka.

Adam (C/Salaan) wuxuu yiri isaga iyo madaxidii diimaha ee kale waxaa ka yaabsaday arrintaas.

“Waxaan ku fekernnay “faraha ma ka qaadnnaa arrintaas?” ” Laakiin kaddib markaan si fiican uga fekernnay, waxaan goosannay inaan laga aamusi karin.”

Inkastoo qaar u arkayeen waxa laga sheegay imaamyada weerar daran, haddana qaar Soomaalida Maraykanku waxay ku noqotay la-yaab. Markii Imaam Ali (Qardhaawi) ka soo muuqday taleefishin live ah oo la soo wici karo, wuxuu yiri ujeedada laga leeyahay Salaaddii Mideynta Diimaha waxay ahayd inaan Islaamka ku baraxnno oo dhexgelinno diimaha kale.

Wuxuu Soomaali ku yiri: imaamyadii ka qeybqaatay salaadda waxay ku heesayeen Jiisas waxayna akhrinayeen salaad sidii ku qorneyd waraaqihii la qeybinayey – waana eedeyn ay imaamyadu diideen.

“Hadii qof halkaas aado, oo istaago halkaas, oo ka qeybqaato salaadda ka dhacday kaniisadda, oo ay ka akhriyaan waraaqaha meesha yaal, muslim ma aha,” ayuu yiri, sida turjumiddu sheegayo. “Qofka halkaas istaaga wuxuu la mid yahay gaalada.”

Marka la joogo iskuul uu caawiye-agaasime ka yahay mr Ali (Qardhaawi), ma hadal badna sida markuu taleefishinka ka hadlayo. Wuu beeniyey inuu gaaleeyey imaamyada.

” Ma oran sidaas,” Cali baa yiri. ” Haddii dadku tukado, tusaale ahaan, haddii qof aado kaniisad, oo ku dhex tukado, waxaan u tixgelinnaa inay Kiristaan yihiin.”

Cali wuxuu sheegay inuusan aqoon Warsame (Dalboon), ninka haga bog xiisadda kiciyey, oo Soomaali badan oo Maraykan ah dhahaan wuxuu taageeraa Ash-Shabaab. Qoraallo badan, buu Warsame ammaanay Cali, isagoo ku bogaadinaya in imaam Cali bannaanka soo dhigay foolxumooyinkii ay sameeyeen dadkii ka qeybqaatay salaaddii diimaha badan isagu yimaadeen.Warsame (Dalboon) wuxuu soo diray e-mail uu ku dalbanayo in loo sheego waxa meesha arrinta laga istaajiyey.

Cali (Qardhaawi) wuu soo gaabiyey waraysigii markii la weydiiyey fiidyoowgii uu duubay ee uu internetka gashay – iyo weliba markii la weydiiyey qeexitaan wax kicinaya oo boggiisa internetka ku jira.

Soomaalida Maraykanka, oo intooda badan muslim ah, waxay iska fogeeyeen mr Cali.

“Inaad maqashid imaam Maraykan jooga oo saas u hadlaya baa iga yaabisay, ” waxaa saas yiri Ilyaas Macow, oo ah tafatiraha bogga Mogadishu Times oo ku yaal Minneapolis. ” Waa wax nagu cusub. Waligay ma arag imaamyo ka hor imaanaya imaamyo kale, ama weydiinaya daacadnimadooda Islaamka.

Macoow wuxuu yiri: Soomaalida Maraykanku salkay dhulka ku dhufteen markay maqleen hadalka imaamka iyo boggaasi qoreen. ” Bulshada 99% way ka ku khilaaftay labadaas nin, Macoow baa saas yiri.

Waqtigan cabsida iyo is-fahan la’aanta ku saabsan Islaamku u muuqato mid sii kobceysa waddankan dhexdiisa, Macoow wuxuu yiri wuxuu rajeynayaa in arrintaasi noqon mid sii shidda dadka Maraykanka ah oo ka shakisanaa dadka muslimiinta ah ee la dariska ah. Macoow wuxuu yiri muslimiinta dhexdhexaadka ah waa ku khasab inay kor u hadlaan hadda, si aysan fikradaha argagixisadu u faafin.

“Waxaan ka walwashannahay gooni ahaa imaamkaas, ” buu yiri. ” Sababtu waxay tahay waa codkar xoog badan. Imaamyada la midka ah oo waxaas oo kale ku hadlaya – waxay reebi kartaa saameyn xun. Waxaa noo jooga ilmo dhallin yar oo dhageysanaya.

Laakiin kuwo kale oo yaqaan Cali, imaamka, waxay dhaheen ma rumeysna (dacwada laga sheegayo) xitaa in isaga laftiisu rumeysan yahay wuxuu sheegayo.

Soomaali Maraykan ah oo badan baa hadda ku dheg raaricineysa khudbadaha dadka xag jirka ilaa intii FBI bilaabeen baaritaan ku saabsan xag-jirnimada nimanka dhallinyarada ah ee aaday Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah. Warka ah in wiilashaas xag-jir looga dhigay Minnesota wuxuu ku noqday Soomaali badan wax ka yaabiyey.

Laakiin hadda, waxay dhaheen indhahoodu waa furan yihiin.

“Hadda waa soo jeednaa, ” waxaa yiri: Abi Mohamed, oo dhigta Jaamacadda Bethel oo wada limosiin oo yiri wuxuu taageeraa wada hadalka dhaqamada. “Haddii aan aragnno wax xagjir ah bulshadeennaa dhexdeeda, waxaan usoo saareynaa bannaanka. Waa in la wajaho, waana in lala xisaabtamo.

Aragtidan aan caanka ahayn lama filayo inay soo jiidaneyso hay’adaha sharciga dhaqan geliya. FBI walaac kama muujin haddii dadku fikradahooda dhiibtaan, waxaa saas yiri wakiilka u hadlay E.K. Wilson.

Marka loo fiiriyo xiisaha ay FBI ama qolyaha mishinnida fuliya u hayaan arrintaan waa eber. Waxaan ka wadaa, ma aha sharci-darro in fikradaha la isku khilaafo ama fikrad la dhiibto,” waxa yiri Wilson, oo ah indha-indheeyaha ka hortagga argagixisada caalamiga ah ee Minneapolis. “Laakiin waxaan dhihi karaa waa arrin xoogaa aan lagu faraxsaneyn.

Guji Halkan dhagayso:-

http://minnesota.publicradio.org/www_publicradio/tools/media_player/popup.php?name=minnesota/news/features/2010/10/13/controversialimam_20101013_64

=======================================

Minnesota Public Radio.