Bartamaha (Muqdisho) Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga UrurKA Xizbul Islaam ayaa ku hanjabay in dagaalo ay dalka uga bixinayaan Ciidamada Dalka soo galay ee Itoobiya iyo Amisom.
Xog-hayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo Saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa waxca uu sheegay in Ciidamada Amisom iyo kuwa Itoobiya ay yihiin kuwa ku soo duulay diinta Islaamka sida uu afhayeenku u sheegay Saxaafada..
Sheekh Muuse Caraale ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay xiligan ku soo laabteen amar ay bixisay dowlada Fd Soomaaliya islamarkaana ay qorsheynayso sida uu yirin in dalka loo gacan galiyo Ciidamo shisheeya ah.
Xoghayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam ayaa ugu baaqay shacabka Soomalaiyeed in ay dagaalo uga hortagaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amisom isagoo dhaliil u jeediyay dowlada oo uu tilmaamay in cadow ay dalka soo galinayso.
Masuulkaasi ayaa ugu danbayntii ku hanjabay in ay dalka soomaaliya ka xuraynayaan dhammaan kooxaha ku soo duulay dalka islamarkaana doonaya in ay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in xiligan ay galayaan dagaaladii ugu danbeeyay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.