Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa hanjabaad cad u jeediyay bahda warfidiyeenada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Websiteyada oo ay sheegeen in weeraro ay ku hayaan Islaamiyiinta.
Afhayeenka dhinaca Howl-galada Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Cabdi “Caroos†ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadayaan warfidiyeenada Websiteyada Soomaalida haddii aanay joojin wararka aan lala gambanaynin oo ay qorayaan kuwaasi oo uu ku sheegay kuwa been iyo isku dira ah.
Sheekh Maxamed Caruus ayaa sheegay in Websiteyada ay qoraan warar dhibaato ka dhexdhalinaya Mujaahidiinta sida uu sheegay islamarkaana aanay waxba kala gambanaynin in ay ka sheegaan dhinacyada Islaamiga ah.
Afhayeenka ayaa been abuur ku tilmaamay jiritaanka Ciidamo shalay ka goostay dhanka Woqooyiga Muqdisho oo Dowlada isku dhiibay taasi oo uu tilmaamay in aanay la socan bal;se ay ogayeen dagaal shalay ka dhacay Deegaanadaasi.
Hadalka iyo Hanjabaada ka soo yeertay Xizbul Islaam ayaa imaanaysa xilli khilaafaadka ka dhexeeya Alshabaab iyo Xizbul Islaam markoodii ugu horeysay lagu soo daabacay Websiteyada oo inta badan isku howla sidii Bulshada ay xaqiiqda ugu soo gudbin lahaayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.