Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa ku howlan sidii Maamul Cusub ay ugu dhisi lahaayeen Magaalada Balad-Weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sheekh Maxamed Wehliye Odawaa oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa saxaafada u sheegay in ay dhisayaan Maamul Cusub oo ka shaqeyn doona ammaanka Magaalada iyo guud ahaan Hiiraan.
Sargaalka ayaa sheegay in Ciidamada Xizbul Islaam ay ammaanka si weyn u sugayaan islamarkaana dhawaan la magacaabayo gudoomiyaha Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan.
Sheekh Maxamed Odawaa ayaa xusay in Madaxda Xizbul Islaam ay go’aamiyeen in dhawaan Maamul loo dhiso Gobolkaasi Hiiraan kaasi oo hoostagya Ururka Xizbul Islaam.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Maamulka Cusub Ee Gobolka laga dhigi doono Sargaalkan Saxaafada inta badan dhawaanahan la hadla kaasi oo ka mida Saraakiisha Gobolka ka soo jeeda frifrcoonina ay ka muuqato.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.