Bartamaha (Boosaaso) Ururka Somali Media, Peace and Developments (SOMPED) ayaa wariyaasha Puntland kala qeybgalay dabaaldega xuska maalinta 21-ka January oo ku began munaasabada Maalinta Wariyaha Soomaaliyeed, taasi oo sanad walba xilligan oo kale la xuso.
Xaflad ballaaran oo lagu maamusayey munaasabadan, oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin dowlada Puntland ka socota, waxgarad, culimo iyo qeybaha kala duwan ee saxaafada ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee AMAL PLAZA oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso.
Xafladan oo ujeedada ugu weyn ay ahayd inlagu maamuuso Maalinta Wariyaha Soomaaliyeed ee 21-ka January ayaa dadkii ka qeybgalay waxay si qoto dheer uga doodeen heerarka ay soo martay saxaafada Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka ay la kulantay, iyadoo sidoo kalena laga hadlay horumarka ay warbaahinta maanta gaartey.
Sheekh Axmed Cabdi Samad oo ka mid ah culimada Puntland, isla markaana ka mid ah qorayaasha arimaha Islaamka oo munaasabada furay ayaa ku dheeraaday dardaaran uu u jeediyey bahda saxaafada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, isagoo sidoo kalena sheegay in guul ay ku gaari karaan isku duubni iyo midnimo. Waxaa uu Sheekhu sidoo kale ku booriyey dhalinta saxaafada inay had iyo jeer warbixinadooda ku saleeyaan diin iyo dhaqan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland C/Shakuur Mire Aadam ayaa ka hadlay warbixinada wax naqdiga u badan ee ay qoraan wariyaasha qaarkood kuwaasi oo sida uu sheegay u badan kuwo wax burburiya ee aysan ahayn kuwo wax dhisa, waxaana C/Shakuur uu dhaliilay sida ay warbaahinta qaarkeed xilligan u shaqeyso.
Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in qaar badan oo ka shaqeeya warbaahinta aaney xitaa lahayn aqoon aas aasi ah taasi oo uu tilmaamay inay caqabad ku tahay shaqada wariyaha, wuxuuna soo jeediyey in saxaafadu ay ku dadaasho nabada kana fogaato dhibato abuurista isagoo qeexay inaan taasi micneheedu ahayn in runta aan la sheegin.
Agaasimayaasha idaacadaha madaxa banana ee ka hawlgala Boosaaso SBC, Daljir iyo Horseed Media oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa si kala gooni ah uga hadlay dhaliilaha loo jeediyo saxaafada iyo xad gudubyada laga galo dadka ka shaqeeya warbaahinta.
Waxaana masuuliyiinta idaacaduhu ay wada tilmaameen in had iyo jeer runtu tahay lama huraan, iyagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo deganaanshaha.
Xafladan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen Ururka SOMPED ee arimaha nabada iyo warbaahinta, wasaarada warfaafinta iyo wariyaasha Boosaaso ayaa dadkii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa wariyaal kala duwan oo iyaguna cabiray dareenkooda munaasabadan iyo hadalada ay ugu talogaleen inay maanta farriin ahaan ugu gudbiyaan bulshada.
Xaflada waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay isla markaana hadalo ka jeediyey nabadoono,isimo iyo culimo ka tirsan kuwa gobolka.
Waxaa intii ay socotay xaflada laga hadlay dhiaatooyin ay ka mid yihiin dil, xarig, hanjabaad iyo shaqo joojin lagu sameeyey suxufiiyin iyo hay’ado warbaahineed oo ka dalka.
Waxaana ugu dambeyntii xafladan lagu soo afmeeray baaq wadajir ah oo ay wariyaasha u direen maamulada dalka iyo hogaamiyaasha bulshada kaasi oo ay ku dalbadeen in la dhowro xuquuqda suxufiga iyo xoriyada hadalka.
Munaasabado kale oo Ururka SOMPED uu ka qeybqaatay ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo halkaasi oo sidoo kale lagu maamuusayo xafladan 21-ka January.
______
Internetka: www.somped.org