Ururka Ikhwaanul Muslimiin Ee Dalka Urdun oo shaaca ka qaaday in ay wadaan dadaalo lagu wada hadashiinayo Dowlada iyo kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Posted on Jun 28 2009 - 9:59am by News Desk
Tweet
Pin It

drxammaam-saciid

Bartamaha(Muqdisho):-Dr. Xamaam Saciid oo ka mida madaxda Ikhwaanul Muslimiin Ee Dalka Urdun ayaa daboolka ka qaaday  in ay dhawaan si toos ah u wada hadashiin doonaan Xoogaga isku ahya dalka soomaaliya si loo bad-baadiyo dhiga daadanaya.

Masuulkaasi ka mida ururka Ikhaawnul Muslimiin qeybtiisa ka dhisan dalka Urdun ayaa tilmaamay in ay muhiimtahay xal laga garo dhibaatada ka taagan dalka soomaaliya iyo dhiiga Muslimiinta ee ku daadanaya dalkaasi soomaaliya.

Kormeeraha Guud Ee Ikhwaanul Muslimiinta dalka Urdun Xammaam Siciid Bashiir ayaa ugu baaqay walaalaha soomaaliyeed ee dagaalada isaga soo hor’jeeda  dalka soomaaliya in ay u turaan shacabka maatida ah eek u la’anaya dagaalada ay isaga hor’imaanayaa magaalooyinka soomaaliya.

Wadaadkaasi ayaa balan qaaday in ay diyaarinayaan googol ay labada dhinac ee ishayaa ay ku wada hadlaan balse ay ku baaqayaan in aan soomaaliya la geynin Ciidamo shisheeye ah oo dhibaatayn kara shacabka guryahooda ka barakacay.

Waa markii ugu horeysay Ee Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin Ee Dalka Jordan ay soo fara galiyaan dhibaatooyinka ka taagan dalka soomaaliya balse uu hadalkooda ka horeeyay baaq ay horey u baahiyeen Madaxda Ururkaasi Ikhwaanul Muslimiin gaar ahaan Shkeekh Dr.Yuusuf Al-qardaawi.

Xafiiska Wararka Soomaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia