Bartamaha(Kampala):-Madaxweynaha Dowlada Ugandha ayaa Kooxda Alshabaab uga digay isku day weerar ku wajahan Dalkaasi Ugandha isagoo ka jawaabayay hanjabaad ka soo baxday Kooxdaasi.
Madaxweyne Yuweri Mosaveni oo Warfidiyeenada Kampala kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dowladiisa aanay u dulqaadan doonin weerar ay soo qaadaan Kooxda Alshabaab Soomaaliya.
Mosaveni ayaa ka dhawaajinayay in Kooxdaasi ay u roontahay in ay iyaga isku mashquulan haddii ay weerar soo damcaana ay dhibaato aanay abid ka kabsan ay ku dhici doonto.
Madaxweynaha Ugandha ayaa digniintii ugu danbeeyay u Jeediyay Kooxda Alshabaab haddii anay joojin wararka ay warbaahinta ka bahinayaan iyo weerarada ay Ugandha la damacsanyihiin.
Hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha Ugandha ayaa imaanaya xilli Xarakada Alshabaab ay ku goodisay in ay weerarayan Magalooyinka Kampala iyo Bujanbuura ee Dalalka Ugandha iyo Burundi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.