Tusker Miyaa Badashay Tusmadii Qaranka?

Posted on Dec 1 2010 - 5:12pm by News Desk
Tweet
Pin It

clip_image002

Waxaa maalintii Isniinta taariikhduna ahayd 29-ka bisha Nofember ee 2010 lagu soo daabacay ama laga sheegay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed in ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubadda cagta ee dalka Soomaaliya ay ka badbaadeen shil baabuur. Shilka baabuur oo ka dhacay magaalada Darsalaam ee dalka Tanzania. Nasiib wanaag waxa uu dhaawac fudud uu gaaray afar ciyaartoy oo kali ah, halka saddex ciyaartoy oo kale uu shoog ku dhacay.

Haddaba arrintan oo ah arin laga naxo ayeey warbaahinta Soomaaliyeed soo tabiyeen sawiro badan oo muujinaya shilka baabuur iyo heerka uu gaarsiisnaa khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Aniga oo shaqsi ahaan aad oga naxay shilka baabuur ayaa haddana waxaan arkay arin aad iyo aad iiga nixisay markii aan u sii fiirsaday sawiradii laga soo qaaday shilka baabuur ee ay ka muuqdeen ciyaartoydii matalayey kooxda kubadda cagta ee qaranka Soomaaliya iyo bus-kii ay kooxdu saarnaayeen.

shil10

Arrinta naxdinta leh ee aan anigu shaqsi ahaan arkay waxay ahayd in baabuurka lagu waday ciyaartoyda Soomaaliyeed horay looga dhajiyay calanka Soomaaliya iyo maro lagu xayaysiinayo khamri la yiraahdo (Tusker). Waxaa kale oo sawiradda ka muuqda in ay dhamaan ciyaartoyda Soomaaliyeed ay xirnaayeen funaanado ay horay oga qorantahay ama lagu xaysiinayo khamriga (Tusker), iyada oo midabka funaanadaha ay ciyaartoygu xirnaayeen ay iskugu jiraan cadaan iyo guduud. Khamriga Tusker ayaa shirkada samaysa waxaa laga leeyahay dalka Kenya, waxayna shirkada khamridu taageertaa koox kubada cagta Kenya ka ciyaarta oo la yiraahdo Tusker, FC.

shil4

Mar aan la hadlay oo aan u soo bandhigay arrintan dhalinyaro asxaabta cayaaraha ah, iyaga laftigoodu aad ayay uga xumaayeen arintan. Mid kamid ahina wuxuu yiri, “Saaxiib goorma ayaa la badalay maaliyadii iyo midabkii qaranka Soomaaliya”. Halka aan aniguna u maleeyay in kooxda Tusker ee ka dhisan dalka Kenya ay ciyaartoy Soomaali ah soo gateen, kooxdana Soomaali ay ka dhigeen gabi ahaanba.

Haddaba su’aasha is waydiinta lahi waxa ay tahay, maxaa ku kalifay ciyaartoy xul qaran oo matalaya wadan Muslim ah in ay gashtaan funaanado lagu xaysiinayo khamri? Maxaase sababay in ciyaartoy xul qaran ay xirtaan funaanado aanan mataleynin midabadda calanka wadankooda? In kasta oo ay ciyaartoydu u socdeen tobabar ciyaareed oo ay san qasab ahayn in ay xirtaan maaliyaddaha dhabta ah ee ay ku ciyaaran, balse waxaan garan waayey sababta kaliftay ciyaartoy xul qaran matalaya, wadan muslim ahna u dhashay, in ay xayeeysiiyaan khamri ama shirkad dal shisheeyeclip_image002

Tusker_large

Maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, ma waxay garan waayeen ama ay hilmaameen in ay matalayaan dad iyo dal Soomaaliyeed oo muslim ah, calan iyo calaamad lagu gartona leh. Ciyaartoyda Soomaaliyeed ma waxay yeelan waayeen geesi nimaddii uu muujiyay ciyaartoyga Omar Frederic Kanoute oo u ciyaara qaranka dalka Mali iyo kooxda kubadda cagta ee Sevilla, dalka Spain.

Frederic Kanoute ayaa bishii sebtember ee 2006-dii wuxuu diiday in uu xirto maaliyadda kooxda Sevilla. Funaanada uu diiday ciyaartoygani in uu xirto ayaa waxaa lagu xaysiiyaa shirkad khamaarka ka ganacsata, shirkadaas oo isticmaasha shabakada internet-ka gacansi ahaan (www.888.com). Haddaba geesinimadda uu muujiyay ciyaartoygan ayaa waxay kooxdu uu u ciyaaro u ogalaadeen in uu ku ciyaaro funaanad aan lahayn xaysiiska, halka ciyaartoyda kale ee garoonka kula jira ay xirtaan funaanado lagu xaysiinayo shirkada ka ganacsata khamaarka.

Seville FCFkamoute

Ciyaartoy Frederic Kanoute ayaa waxa uu diidmada uu diiday in uu xirto funaanada lagu xayeysiinayo khamaarka ku saleeyay in aysan diintiisa Islaamku u ogolayn ficilka noocaas oo kale ah, isaga oo yiri “Khamriga iyo khamaarkuba waa fal shaydaan, Quraanka Kariimka ahina wuu naga mamnuucay”.

Sababta kaliftay in ciyaartoy matalaysa wadan iyo dad muslim ah loo xiro funaanado lagu xaysiinayo khamri, ma mid ku salaysan dhaqaalo la’aan, aqoon daro la’aan, mise marxallado kale oo qarsoon miyaa?

1. Haday dhaqaale la’aani sabab u tahay falkan foosha xun, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagtu wuxuu xubin ka yahay ururka kubadda cagta ee FIFA ilaa 1962-dii. Ururka FIFA ayaa waxa uu dakhli aad u tiro badan ku bixiyaa horumarinta, kaalmo dhaqaale, dayac tir xarumaha iyo garoomadda wadan kasta oo xubin ka ah. FIFA ayaa sidoo kale kaalmo tobobar iyo taageero dheerad ah siisa wadan kasta oo xubun ka ah, isaga oo waliba leh mashruucyo arrimahan aan kor kusoo xusnay loogu talagalay in lagu fuliyo. Sida labadda mashruuc ee la kala yiraahdo, FAP (Financial Assistance Programme) iyo Goal Programme.

2. Ururka FIFA ayaa sidoo kale waxay lacag iyo dhaqaale aad u badan ku kharash gareeyaan mashruucyo tababar iyo tacliin iskugu jira oo lagu taageero maamulka, macalimiinta, ciyaartoyda iyo garsoorayaasha ka socda wadamada xubinta ka ah Ururka FIFA.

3. Ma fahmi karo marxallado kale oo qarsoon oo maamulka xiriirka kubadda cagta iyo macalimiinta matalaysa Qaranka Soomaaliya ku kalifi kara in calanka iyo maaliyadaha quruxda badan ee cadaanka iyo buluuga cirka u eeg ka kooban, in lagu badalo xayeeysiis khamri.

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa walaalahayga is xil qaamay ee maamulka iyo mas’uuliyada xulka qaranka iyo xiriirka kubadda cagta xambaarsan, in ay qabanayso maahmaahdii ahayd, “Nin xil qaaday, eed qaad”, marka waxaa iga xasuus ah in dal, dad iyo diin aad matalaysaan, taageero, hiilis, sacab tun iyo dhaliil badan la’idiin soo jeedinayona marar badan.

Waxaa dad badan, dhalaan, da’yar iyo waalid badan u ah astaanta dhabta ah ee wadanino calanka iyo maaliyaddaha isboortiga ee ka matalaya middabada calanka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira ubad badan oo lagu ababiyay cayaarah iyo astaanta calanka, rajona ka qaba in ay maalin maalmaha kamid ah ay matalaan dalkooda, maaliyada qarankana dhexda u xirtaan, marka TUSKER ha noogu badalina SOOMAALIYEEY TOOSOO…

Ugu danbayntii, haddii ay jirto dhaqaale xumo, fadlan hadaad ka fursan waydaan xaysiis, oo ay dantu idin baday, ganacsiyadda Soomaaliyeed fursada siiya oo soo caan bixiya, caano geel, ciir iyo ciwaan astaan caafimaad wata ciyaartoyda noogu xira. waanada, guubaabada, dhaleecaynta iyo wanaag is xasuusintana walaaltinimo, wanaag iyo waayo aragnimo u arka.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Waalid, Wadani ah Soomaali taageera ciyaaraha, ciyaartoyda iyo calanka Soomaaliyeed

Xigashada Sawiradda: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)