Taliska Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya oo balanqaaday in ay wax ka qabanayaan Ammaan darada ka taagan Muqdisho.

Posted on Aug 11 2009 - 9:56am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC05313Bartamaha (Muqdisho):- Taliska Ciidamada booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wax ka badalayaan ammaan darada ka jirta Muqdisho iyo dhibaatada ciidamada dowlada ay geysanayaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya Col.C/laahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhibaata shacabka Muqdisho ka heysata xagga ammaanka isagoo qiray in ay jiraan ciidamo ku abtirsada dowlada oo shacabka dhac kula dhaqaaqa.

Sargaalkaasi ka mida Ciidamada Booliiska ayaa waxa uu intaasi ku daray in dhawaan la howlgalindoono ciidamada Booliiska oo si toos ah ula dagaalamaya kooxaha dhibaatada shacabka kula dhaqaaqaya.

Hadalkan ka soo yeeray Taliska Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay askarta dowlad ay dhac iyo baarasho kula dhaqaaqeen gawaarida shacabka ee maraysay Wadada Ex-Control Afgooye.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.