Taliska Booliiska Soomaaliya oo maanta ka digay qaraxyo Ismiidaamin la filan karo.

Posted on Oct 8 2009 - 5:13pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06901Bartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidanka Booliiska Dowlada KMG ah ayaa maanta qiray in ay ogaadeen qaban qaabada qaraxyo dhanka Dowlada ku soo fool leh.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah Col.C/laahi Xasan Bariise ayaa maanta sheegay in ay la socdaan abaabul xoogan oo ay wadaan Islaamiyiinta si qaraxyo ay ugu soo weeraraan dhanka Dowlada Soomaaliya iyo Amisom.

C/laahi Bariise ayaa sheegay in ay Mucaaradka diyaariyeen gawaari “Amlabas ah kuwa Booliiska iyo gaadiidka Boolayadaha si loogu weeraro xarumaha Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Muuqdisho.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya qabanqaabada iyo  qaababka qaraxyada loo diyaariyay kuwaasi oo uu sheegay in ay halis Dowlada ku soo dhow ay tahay haddii aan wax laga qaban.

Afhayeenka ayaa ugu danbayntii ku baaqay in Ciidamada ay feejignaadaan islamarkaana si gaar ah loola socdo dhaqdhaqaaqyada weerarada gawaarida la sheegay lagu geysan karo  taasi oo dhibaata reebi karta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.