Taliska Booliiska oo xilkii ka qaaday agaasime Xigeenkii Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho xabsi gurina ku xukumay iyo Masuulkaasi oo sharci dara ku tilmaamay arinkaasi.

Posted on Jul 17 2009 - 4:57pm by News Desk
Tweet
Pin It

boliska iyo madiinaBartamaha(Muqdisho):-Col.C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in xilkii uu hayay agaasime xigeenka isbitaalka Madiina Daahir Dheere xilkii laga qaaday ka dib Eedeymo taliska Booliiska ay u jeediyeen.

Afhayeenka Booliiska ayaa waxa uu sheegay in Daahir Maxmed Maxmuud Daahir Dheere uu ahaa Xidigle ka tirsanaa Ciidamada Booliiska isla mar’ahaanatana laga qaaday jagadii uu ka hayay isbitaalka Madiina ka dib markii falal wax is dabamarin ah lagu helay.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Agaasime ku xigeenka isbitaalka Madiina uu ku dhaqaaqay khiyaanooyin kala duwan sidaana ay taliska Booliiska xilka uga qaadeen isla mar’ahaanaata muddo 10-Maalmood ah lagu xukumay xabsi guri ilaalana laga hayo.

Dhanka Agaasime xigeenka maanta la sheegay in xilka laga qaaday ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray taliska Booliiska uu yahay mid sharci dara ah isagoo sheegay in isbitaalka Madiina uu yahay xiligan mid ka dhexeeya dhammaan shacabka soomaaliyeed.

Daahir Maxmed Maxmuud (Daahir Dheere) agaasime xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday ayaa si weyn isaga difaacay wararka ka soo baxay taliska Booliiska waxa uuna tilmaamay in aanu isagu ahayn Sargaal Booliis ah iyo xubin ka tirsan intaba .

Dhawaan ayaa la sheegay in khilaaf uu soo kala dhexgalay Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdi Xasan Qeybdiid iyo Daahir Dheere Agaasmi xigeenka isbitaalka Madiina taasi oo la xariirtay Ciidamo dhaawacya qabo oo la keenay isbitaalkaasi iyo arima xagga maaliyada ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.