Taliska Booliiska oo hadalkii Abuu-Zubayr ku tilmaamay mid wax u dhimaya ammaanka Gobolada Woqooyiga Soomaaliya.

Posted on Sep 3 2009 - 1:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06905Bartamaha (Muqdisho) Taliska Ciidanka Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka waxloogu dhimayo hanjabaadii amiirka Alshabaab islamarkaana loo haysto wixii ka dhaca Dhulka Somaliland.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska C/laahi Xasan Bariise ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warkii ka soo yeeray Amiirka Xarakada Alshabaab isagoo ku tilmaamay Alshabaab kuwa meelaha nabada Colaad ka bilaaba.

Afhayeenka Booliiska ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Masuulkaasi ugu sareeyo Alshabaab uu xiligan u jeestay gurigiisa islamarkaan aanay iyagu ku taageereynin balse uu ula muuqdo mid Sopomaali kale lagu  dhibaataynayo.

Waa jawaabtii ugu horeysay Ee ka soo baxda dhanka Dowlada soomaaliya iyadoo illaa haatan laga wardhowrayo jawaabta ay hanjabaada ka bixin doonaan Maamulka la magaca baxay Somaliland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â