Tahriibayaasha oo ku sii badanya dalka Yaman xilli dhibaato xagga nolosha ah ay ka jirto Xabsiyada Dalkaasi.

Posted on Oct 20 2009 - 4:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

thBartamaha(Cadan):-Kooxaha ka talaabaya gacanka Cadan ayaa sii badanya kuwaasi oo si tahriib ah ku gaaraya Xeebaha Magaalooyinka Dalka Yaman oo dhibaato xoogan ay ka jirto.

Magaalooyinka ku yaala Xeebaha ayaa waxaa buuxiyay dhalinyaro Soomalai ah kuwaasi oo inta badn ka soo galay dhanka Badda si ay ugu boqoolaan dhanka wadanka Sacuudiga oo haatan xadkiisu xeranyahay .

Baaritaan ay sameeyeen laamaha Ammaanka ee dalka Yaman ayaa waxa ay ogaadeen in todobaadyadii la soo dhaafay ay dalka soo galeen in ka badan 2000-qaxooti Soomaali ah.

Dadkani ayaa waxa ay dalkaasi gaareen xilli dhibaato xagga nolosha ah ay ka jirto Magaalooyinka Wadankaasi Yaman gaar ahan xeryaha lagu xariiyo qaxootiga Soomaalida.

Ma jirto gargaar la siiyo dadka xeryaha dagan marka laga reebo raashin aan nolosha kaafin Karin kaasi oo la siiyo dadka qaar eek u jira Xeryaha Dalkaasi Yaman oo nadaafad xumada ay sii dheertahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â