Bartamaha (Muqdisho):- Shirkada Isgaarsiinta HORMUUD Telcom ayaa guud ahaan qalabkeeda kala baxday Xaruntii weynayd ee Suuqa Bakaaraha.
Sida ay www.Bartamaha.Com u sheegeen qaar ka mida Howlwadeenada Shirkada Hormuud waxaa maanta qalabkii ugu danbeeyay laga raray Xarunta weyn ee Suuqa Bakaaraha Muqdisho.
Dhismaha ka kooban 6-da Dabaq ee Shirkada Hormuud Bakaaraha ayaa guud ahaan laga qaaday Qalabkii uigu muhiimsanaa ee Shirkada ay ku shaqeynaysay sida Sistemkii guud,Compiuterada iyo agabkii Cod baahiyayaasha iyo war laliska Ee SHirkada.
Hormuud ahaa waxa ay Suuqa Bakaaraha ku leedahay daarta ugu dheer uguna bilicda wanaagsan taasi oo muddo Laba sana ah ay si toos ah ugu shaqeynaysay wallow hada ay dani qasabtay in laga qaado qalabkii ugu Muhiimsanaa.
Mid ka mida shaqaalaha ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in qalabka laga bixinayay dhismayaasi muddo Laba Cisho ah iyadoo loo qaaday Deegaanbka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho.
Shirkada madaxdeeda iyo Qalabka shirkada ay sida toosan ugu howlgalayso ayaa waxaa xarun looga dhigay Dhismo saddex sano la dhisayay oo ku yaala meel duleedka ka sii ah Ceelasha Biyaha halkaasi oo Xarunta 1-aad ee Shirkada laga dhigayo.
Wax war ah lagama haayo Madaxda Shirkada Isgaarsiinta Ee Hormuud wallow shaqaalaha shirkada qaarkood oo magacyadooda qariyay ay inoo xaqiijiyeen in Shirkada ay ka barakacday Bakaaraha.
Hormuud ayaa waxa ay dhibaata culus dhowr jeer kala kulantay Madaafiicda Amisom iyo rasaasta dagaalada oo qalab badan ka gubay Shirkadaasi waxaana taasi dheer Caga juglayn,Handadaad ay si joogta ah kala kulmi jireen Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Shirkada ayaa la barakacday dadkii hore Caasimada isaga cararay waxaana la aaminsan yahay in Laba daar oo ay ku leedahay Shirkada agagaarka Isgoyska Howl-wadaag aanay qaban doonin howlihii cuslaa ee shirkadaasi looga bartay.
Hormuud ayaa ah shirkada 1-aad ee loogu isticmaalka badan xagga Mobailada iyo adeegyada kale taasi oo marar badan dhibaata kala kulantay dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya oo ganacsigaasi iyo qalabka culus dushiisa ku dagaalama.
Goobta hada la geeyay Qalabka Shirkada iyo Maamulka guud ayaa waxaa ammaanka guud ee deegaankaasi gacanta ku haya Xizbul Islaam waxaana shirkadaasi ay yeelatay Ciidan u gaar ah oo ammaanka shirkadaasi la wareegay.
Islaamiyiinta ayaa shirkada Hormuud marar badan si awood ah uga qaatay Telfoono Free ah iyo qarashaad u muuqanayay mid canshuur ah oo xilli walba ay askarta shabaab iyo kuwa kale Ee Xizbul Islaam ay ka qaadan jireen.
Ammaan sugida shirkada Isgaarsiinta Ee Hormuud ayaa la xaqiijiyay in Xizbul Islaam ay u fasaxday Ciidan si gaar ah ay shirkada u qoratay oo ilaala culus ka haynaya dhismaha Cusub Ee Shirkada oo ka yara baxsan dhulka dadka daganyihiin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.