Bartamaha(Muqdisho):-Shil gaari ayaa shalay galinkii danbe ka dhacay Wadada Warshadaha Ee Muqdisho ka dib markii Ciidamo Dowlada ka tirsan ay rasaas kuy fureen gaari rakkaab ah taasi oo sababtay shil gaari qasaara badan geystay.
Ciidamo Dowlada ka ka tirsan ayaa la sheegay in ay gaari Bl-ah isku dayeen in ay dhac u geystaan taasi oo rasaas ay ku fureen ay sababtay shil gaari oo qasaara ba’an geystay.
In ka badan 4-ruux ayaa dhimatay 7-kalana dhaawaca ayaa soo gaaray ka dib markii gaari ka cararayay Ciidamada Dowlada uu ku dhacay gaari dhagax waday taasi oo sababtay qasaarahaasi.
Dadka dhintay ayaa waxa ay badankood ahaayeen rakaabkii gaariga Bl-ka ahaa kaasi oo la sheegay in uu intiisa badan burbur laxaad leh gaaray markii uu ku dhacay gaari weyn oo xawaaraha uu ku socday uu sababay in uu intiisa badan hoos galo gaariga nuuca Dhagaxlaha ah.
 Wadada uu shilka ka dhacay ayaa waxa ay ahayd inta u dhexeysa Isgoyska Ex-Control Afgooye iyo Kuliyada Jaale Siyaad halkaasi oo inta badan ay galaan Kooxaha dhibaatada dhaca ah u geysta gawaarida dadweynaha.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.