Muqdisho (Bartamaha)Â Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu Muqdisho ka tagay Madaxwayne Shariif Shiikh Axmed iyo wafti labada gole ka tirsan oo uu hogaaminayo.
Shariif ayaa muddo todobaadyo ah ka maqnaa dalka, waxaana uu socdaalo kusoo maray wadamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka,Sacuudiga,Libiya iyo kenya, waxaana uu dalalkaas kula soo kulmey madax kala duwan oo uu kala soo hadley xaalada qalafsan ee Koonfurta Soomaaliya iyo sidii dawladiisa taageero loo siin lahaa.
Shariif ayaa wadanka Maraykanka kaga qaybgalay Shirkii Madaxda Caalamka ee Qaramada Midoobey xarunteeda ka dhacay, waxaana shirkaas uu ka jeediyay khudbad ku saabsan xaalada wadanka Soomaaliya inkastoo meesha u danbeysa la geeyay oo uu isna soo daahay, waxaana shirka qaramada Midoobey kadib uu booqashooyin kusoo kala bixiyay magaalooyin ka tirsan wadanka Maraykanka oo ay ku sugan yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Maraykanka gaar ahaan Wadanka Maraykanka.
Shariif Shiikh Axmed ayaana kala hadley Jaaliyada xaalada wadanka Soomaliya isagoo siweyna uga hadley dhalinyarada Soomaaliyeed ee jihaad doonka u tagaysa wadanka Soomaaliya, Shariifku wuxuu jaaliyada ka codsaday inaysan u dirin ubadkooda Soomaaliya, isagoo sidoo kalena ka codsaday Culimada Masaajidyada Maraykanka inaan dhalinyarada la jaahwareerin , waxaana markaas ay u muuqanaysay inuu ka waday in Masaajidyada laga diro dhalinyarada Soomaaliyeed.
Shariif Shiikh Axmed iyo waftigii la socdey ayaa diiday inay ka jawaabaan Su’aalo ay jaaliyadu usoo diyaarsadeen oo ku aadan xaalada wadanka Soomaaliya.
Waftiga Shariif ayaa la filayaa in ay ka bixiyaan shir jaraa’id safarkoodii dibada ee ay dhawrkaas dal ku soo mareen, ma jirin wax dukheyn ah oo ka dhacdey Muqdisho oo lagu beegsay imaanshaha Shriif Shiikh Axmed iyo waftigiisa, waxaana amaanka aad u adkeeyay Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya.