Sheekh Yuusuf Indha-Cadde”Alshabaab ayaa gubtay goobta shidaalka Bakaaraha waxaana lahayn Haweenay Shabaabka ka mid ah………….”.

Posted on Feb 6 2010 - 2:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

Somalia Defence MinisterBartamaha(Muqdisho):-Wasiirul Dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha cadde ayaa shaaca ka qaaday in alshabaab ay bakaara gubeen.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cade oo maanta Muqdisho shirjaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in Shidaalkii ku gubtay Suuqa Bakaaraha ay masuul ka ahaayeen Al shabaab kaasi oo salka ku hayay in aan la ogaan Xisaabta lagu leeyahay Shabaabka oo ay lunsadeen.

Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in Dabka uu ka dhashay Qarax ay sameeyeen Al shabaab kaasi oo ka dhacay gudaha Xarunta Shidaalka uu ku gubtay ee Bakaaraha oo ay lahayd Gabar la shaqeysa Alshabaab.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa Bulshada Soomalaiyeed u sheegay in goobta gubatay ay lahayd Haweenay Alshabaab ka mid ah oo dhanka Saanada iyo Shidaalka ka saacidi jirtay.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa uga digay Bulshada iyo dadka ganacsatada in ay caawiyaan gudiga ay Alshabaab dhiseen si loogu gargaaro Haweenayda ay Alshabaab ka gubeen Shidaalka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Indha Cadde ayaa imaanaya xilli dhawaan ay Al shabaab guddi u saareen dhaqaale uruurin loo sameeynaayo dadkii ku hanti belay Dabkii ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha.oo ay al shabaab ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dawladda federaalka soomalaiya iyo Ciidamadda amisom

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.