Sheekh Shariif “Ahlu sunnah liis ayay keensadeen waana ka xulanay dadka ay rabeen….”

Posted on Jul 10 2010 - 6:36am by News Desk
Tweet
Pin It

SomaliaBartamaha (Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Ahlu sunah ay u magacaabeen liis horay ay u keensadeen Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Shariif oo la hadlayay ragga wararka fidiya ayaa waxa uu daaha ka qaaday in Ahlu sunnah Wal Jamaaca loo magacaabay wasiiradii horay ay u dalbadeen xiligii heshiiskii ka dhacayay Magaalada Addis Ababa.

“Ahlu sunnah liis ayay keensadeen waana ka xulanay dadka ay rabeen… dhammaan wasiirada dhankooda loo magacaabay waxaan ka dhex qaadanay qoraalkii ay keensadeen oo aha liis ay ku qoranyihiin rag badan oo ka mida Kooxdaasi”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa qeyladhaan ka soo yeertay Kooxda Ahlu sunna Wal Jamaaca oo horay u sheegtay in aan loo magacaabin raggii ay u doonayeen Liiska wasiiradii ay kula heshiiyeen Dowlada.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Nairobi-Kenya.