Sheekh C/Qaadir Cali Cumar “Alshabaab umada ayay dhibeen laakiin waan ka sifaynaynaa Dalka..”.

Posted on Feb 20 2010 - 4:36am by News Desk
Tweet
Pin It

dqsdasBartamaha(Muqdisho):-Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray siyaasada Kooxda Alshabaab isagoo wacad ku maray in ay dalka ka saarayaan.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo la hadlayay Waragayka Sharqul Awsat ayaa waxa uu sheegay in ay Alshabaab shacabka caburiyeen oo ay dhibaata ku hayaan.

Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in dagaal ay dalka ka huriyeen Alshabaab islamarkaana sabab ay u noqdeen in shgacab badan ay dibada uga baxaan magaalooyinka.

” Alshabaab Umada dhibaato ayay ku hayaan laakiin dalka anagaa ayaa ka sifaynaynaa insha allaah…..Ujeedadooda waa mid u muuqda mid ay ku doonayaan in dalka Somalia u dhiibvaan Kooxo ajaanib ah…” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Masuulkaasi ayaa waxa uu ugu danbayn wacad ku maray in ay shacabka la kaashanayaan sidii dalka looga saari lahaa Koxdaasi oo uu ku Eedeeyay in ay dhibaato ku hayso Bulshada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.