Bartamaha (Sirta):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho isagoo gaaray Magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo aan socdaalkiisa horay loo ogaan ayaa waxa uu u dhoofay Magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya xilli maanta la filayay in uu Magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadiisa.
Madaxweynaha oo la filayay in uu ku dhawaaqo saacadaha soo aadan xilka Ra’iisul Wasaaraha masuulka la siinayay waxaana taasi ay noqotay mid dib u dhacday ka dib markii Shariifka uu dalka la dhoofay.
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalka saaka uu uga dhaqaaqay Muqdisho saxaafada u sheegay mid ka mida Agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay in Madaxweynaha uu u dhaqaaqa Dalka Liibiya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu socdaalkiisa salka ku hayay in uu ka qeybgalayo shir ka dhacaya Magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya kaasi oo ku aadan in wadamaad Jaamacada Carabta ka tirsan kuna jira Midowga Afrika ay danahooda ka hadlaan.
Kulankaasi ayaa lagu wada ain Dowlada Soomaaliya ay hadalo ka jeediso waxaana madaxweyne Shariif uu ka hadli doonaa dhibaatada Dowladiisa ka haysata dhanka ammaanka iyo daganaanta guud ee dalka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.