Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Nairobi ka sii kexeestay Ninka uu saacadaha soo aadan u magacaabayo Ra’iisul Wasaarihiisa Cusub.
Ninka la filanayo in saacadaha soo aadan laga dhigo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne Shariif ayaa isla aaday dhanka Magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Nairobi.
Sida www.Bartamaha.Com ku heshay war xaqiiqda u dhow waxaa Saacadaha soo aadan xilka Ra’iisul Wasaare qabanaya ninka lagu magacaabo Col. C/qadir Sheikh Cali Diini oo ah ninka maanta ay diyuurada isla raaceen Shariif.
Ninkan lagu magacaabo Col. C/qadir Sheikh Cali Diini waxa uu Nairobi joogay muddo Laba Cisho ah oo kaliya waxa uuna ka yimid Gobolka Ohio oo uu daganaa muddo 20-sano ku dhow.
Col.Diini waa nin Ciidan ahaa xilli islamarkaana aan dhawaanahan u firfircooneen dhinaca siyaasada wallow hadda lagu qanciyay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya isagoo ka soo jeeda Beesha Mareexaan.
Ninkan ayaa Xalay oo kaliya ay si toos ah u shireen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaana ay saaka u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in saacadaha soo aadan la magacaabo.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com soo gudbiyaha wararka sugan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.