Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam oo sheegay in ay fashiliyeen isku day la doonayay in looga saaro kooxdooda saldhiga Yaaqshiid.

Posted on Jun 1 2009 - 5:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

xzBartamaha(Muqdisho):-Sarkaal ka tirsan Ururka Xizbul Islaam  ayaa shegay in ay gacanta kdhigeen Ciidamo iyo hub aad u fara badan kuwaas oo uu sheegay in ay ka amar qataan Maareeyaha Dakada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Laashin oo ah sarkaal ka mid ah Ururka Xizbul Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay In ay fashiliyeen ciidamo isku aruursanayeen xaafado ku dhow dhow Saldhiga Degmada Yaaqshiid oo ay gacanta ku hayaan Ururka Xizbul Islaam.

Sarkaalka waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi la soo marin habaabiyey ay dib ugu wareejiyeen eheladii ay ka dhasheen, kuwaas oo uu sheegay in ay u balan qaadeen in mar danbe aysan qeyb ka noqon doonin dagaalada Muqdisho.

Sheekh Axmed Laashin ayaa ugu danbayntii waxa uu sheegay in ay ciidamada gadaal ka taagnaa kooxahan ay bilaabeen dagaal ay ku soo qaadaan fariisinada kooxdooda ee Saldhiga yaaqshiid sidaana uu dagaalka u socanayo.

Warar hoose oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kooxda abaabulka dagaalka manta lahayd ay ahaayeen ciidama ka mid ahaa mucaaradka balse ka soo horjeestay siyaasada kooxdaasi kuwaasi oo dhawaan lacaga ka qaatay dowlada Fd soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.