Sargaal Caan ah oo si fool xun loogu dilay Baladweyne.

Posted on Jul 11 2010 - 9:18am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-map-300x225Bartamaha  (Baladweyne):- Sargaal ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa xalay si fool xun loogu dilay gudaha Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Dowlada KMG ah ayaa xalay lagu dilay guri ku yaala Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan xilli uu la joogay qoyskiisa.

Allaha u Naxariistee Salaad Xareed Raage oo ahaa afhayeenkii Ciidanka Dowlada Gobolka Hiiraan ayaa si qarsoodi ah u soo booqday qoyskiisa wallow xalay ay dileen Maleeshiyada Shabaab.

Salaad Xareed ayaa waxa uu ku sugnaa hoygiisa xiliga la dilayay iyadoo Caruurtiisa hortooda ay ku dileen Maleeshiyaadka Alshabaab oo isku gadaamay guriga uu daganaa Xareed.

Hogaamiyaha Alshabaab Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen sargaal caan ah oo uu ku Eedeeyay in uu ahaa jaasuus ka tirsanaa Ciidanka Dowlada.

Sargaalkaasi ayuu ku sheegay in 4-cisho ka hor uu soo galay magaalada si uu u gudbiyo sirta Ciidanka Alshabaab wallow lagu dhexdilay guriga uu la dagalaa qoyskiisa.

Dilka sargaalkaasi ayaa waxa uu ku soo aaday xilli dhaqdhaqaaq ciidan uu socanayo iyadoo la dilay xilli uu ku dhex sugnaa Caruurtiisa iyo Xaaskiisa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.