Sargaal Alshabaab ka mida oo ku baaqay in shacabka Kismaayo loo dhimriyo.

Posted on Feb 27 2010 - 3:18pm by News Desk
Tweet
Pin It

fiidowBartamaha(Kismaayo):-Sargaal ALshabaab ka mida ayaa maanta ugu baaqay maamulka sare ee Jubooyinka in ay shacabka u dhimriyaan oo ay culeyska ka dulqaadaan.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxa Siyaasaada Alshabaab oo  la hadlayay Saraakiishsa Alshabaab Jubooyinka ayaa waxa uu ka dalbaday in ay u dhimriyaan amarada dadka shacabka ah.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in aan loo baahnayn in dhibaato la dul dhigo Bulshada balse loo baahanyahay inm shacabka si dabacsan logu dhaqo shareecada Islaamka.

Sargaalkan Shabaabka ah ayaa waxa uu sheegay in Bulshada reer Kismaayo ay yihiin kuwa shareecada Islaamka si wanaagsna ugu dhaqma oo jecel.

Dadka ayuu ka dalbaday in ay shareecada Islaamka iyaga ay is faran oo ay ku dhaqmaan waxa uuna Ciidamada Shabaabka ka codsaday in aan bulshada lagu qasbin wax aanay awood u lahayn.

Hadalka Sargaalka Shabaabka ah uu jeediyay ayaa imaanaya xilli inta badan Gobolada Soomaaliya ay Ciidamada Koxdaasi dadka dul dhigaan amaro aanay ku dhaqaaqi Karin qaar bulshadsa ka mida oo mararka qaar lagu dhibaateeyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.