Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Xasan Mahadi oo ah afhayeenka kooxda Xizbul Islaam ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku jabiyeen kooxo uu ku tilmaamay in ay doonayeen dhaca iyo baarashada bulshada deegaanka Yaaqshiid iagoo sheegay in ay laayeen tiro ciidamada dowlada Fd soomaaliya.
Wadaadkaasi u hadlay kooxdaasi Xizbul islaam ayaa ku Eedeeyay dagaalkii shalay in ay soo qaadeen ciidamada dowlada oo ay horboodayaan Hogaamiyayaashiid dagaalka Muqdisho oo uu ku dhawaaqay magacyo ay ka mid ahaayeen Maxmed Dheere,Salaad Cali Jeele,iyo rag kale oo uu tilmaamay in dagaal ka riixayeen weerarkii shalay dhacay.
Afhayeenka Xizxbul Islaam ayaa ku dooday in ay haatan gacanta ay ku hayaan saldhiga Yaaqshiid isagoo tilmaamay in ay kooxihii deegaankaasi ku soo duulay ay haatan u carareen dhanaka Sii-Sii oo ah deegan ay ku xooganyihiin Ciidamada dowlda Fd soomaaliyta.
G/Dhexe Xasan Dhicisow oo ahaa sargaalkii shalay hogaaminayay ciidamada qabsaday Saldhiga Yaaqshiid ayaa sheegay in ay haatan welli ay gacanta ku hayaan saldhigaasi iyo xaafadaha ku xeeran.
Xasan dhicisow oo ah sargaal booliiska dowlada Fd soomaaliya ka mid ah ayaa sheegay in ay haatan hayaan tilmaamo sheegaya in kooxihii ay deegaanadaasi ka saareen ay ahaayeen Ajjaanib dalka ku soo duulay taasi oo uu sheegay in booliiska dowlada ay yihiin xaq u dirir dalkooda difaacanaya.
Illaa haatan ma jirto wax guula sidaa u balaaran ah oo ay kala gaareen labada ciidan ee isku horfadhiya gooba aan kala dheereen oo ka tirsan Saldhiga Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho halkaasi oo ay haatan gacanta ku hayaan sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan ciidamada kooxaha iskaashana ee Mucaaradka dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia