Bartamaha (Muqdisho):- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hanjabaad u diray Saraakiisha Dowlada Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Saraakiisha Ciidanka Dowlada Ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay hanjabaad toos ah u jeediyeen Kooxda ALshabaab ee haysata Gobolkaasi oo ay ku sheegeen koox gumayste xoog ku haysta Bulshada Gobolkaasi Hiiraan ku nool.
Taliyaha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) oo saxaafada war siinayay ayaa waxa uu ugu hanjabay alshabaab in ay ka dhigi doonaan koox kala firxata hadii aanay isaga bixin guud ahaan Hiiraan.
Sargaalkan waxa uu cadeeyay in Ciidan xoog badan ay hada diyaar u yihiin xureynta Gobolka Hiiraan oo uu ku sheegay mid ku jira xukun gumayste ah oo ay alshabaab madax u yihiin taasi oo uu ka bixiyay digniin muuqata oo aan meel loogu soo ganban.
Taliye Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) waxa uu wacad ku maray in Ciidanka Dowlada ay galiyaan guud ahaan Degmooyinka Gobolkaasi Hiiraan maadaama muddo ay dulqaad sameeyeen sida uu hadalka u dhigay taliyaha Ciidanka Hiiraan.
Sargaalkan waxa uu ugu danbayn daaha ka rogay in Ciidanka Dowlada ay hadda ku sugan yihiin meel 5-KM u jirta magaalada Baladweyne oo ay ciidanka dhufays uga jiraan si ay u gaaraan xarunta Gobolka Hiiraan Ee Baladweyne.
Sargaalkan oo ay hoos joogayaal u yihiin rag sar sare oo Gobolka Hiiraan Caan ka ah sida Yuusuf Dabageed,Aadan garaaso iyo rag kale oo madax sare ah ayaa waxa ay hada wadaan qorshihii u danbeeyay oo ay ugu diyaar garoobayaan weerar ka dhan ah alshabaab.
Hanjabaada iyo diyaar garowga Dowlada ayaa waxa ay imaanaysa xilli Alshabaab maamulkeeda Baladweyne ay dhowr jeer oo hore weerar ku qaadeen saldhigyada Dowlada oo dagaalo jooga ah xilli walba ay ku qaadaan maleeshiyada shabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika