Roobabkaan oo ahaa kuwo aad u xoogan islamarkaasina saameyno kala duwan ku yeelatay Dadweeynaha ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay waxa ay ka da’ayeen Magaaladan Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Â
Inkastoo aanu jirin qasaaro rasmi ah oo roobabkani ay geysteen siweyna ay ugu diirsadeen bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la arkayay wadooyinka waaweyn iyo kuwo kale ee Xaafadaha dhex mara oo ay dul ceegaagaan, biyaha roobka.
Â
Waxaa sidoo kale jira in ay gaadiidku adeegsadaan Wadooyinka xaafadaha oo ay kuwii istaraatijiga ahaa uga leexdeen biyo xoog leh oo fadhiya awgeed, kadib markii ay ku da’een roobabkaasi xoogooda Wadooyinkaasi waaweyn oo ilaa iyo haatan ay adagtahay adeegsiga Gawaarida qaarkood.
Â
Roobabkaani ayaa ah kuwii ugu cuslaa ee ka da’a gobolka mudadii 2da sano ahayd ee lasoo dhaafay, iyadoona lagu soo waramayo Deegaano dhowr ah oo katirsan Waqooyiga Magaalada  Kismaayo in ay ka da’een roobab ceynkaan oo kale ah, oo haatan cabsi weyn laga qabo in uu ku fataho wabiga Jubba Deegaanno fara badan oo ku yaal wabiga Jiinkiisa.
Â
  Isku soo wada duuboo waxaa rajo weyn laga qabaa in ay sii laba lixaadsadaan Roobabka ka da’ay gobolada Jubooyinka xilli kismaayo iyo Nawaaxigeedaba ay ku dahaaranyihiin Daruuro Roobeed oo xoog leh.
Â
Â
Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com
Â
Kismayo – Somalia