Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo garbihiisa ka waayay ku xigeenadiisa.

Posted on Sep 17 2010 - 12:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

cumar-cabdirashiidBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa waayay laba nin oo muhiim u ah dhismaha Xukumadiisa markii ay siyaasada isku fahmi waayeen.

Dr.Cumar C/.rashiid Sharma’arke ayaa garbihiisa ka waayay laba masuul oo muhiim ah kuwaasi oo ah Ku xigeenada Ra’iisul Wasaaraha markii ay is fahmi kari waayeen masuuliyiintaasi Xukumada ugu sareeya.

Dr.Sharma’arke ayaa saacada ka hor waxaa ka soo yeeray hadal u muuqanayay in uu talaab ka qaadayo Labadiisa ku xigeen Sida Sheekh Aadan Madoobe iyo Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo garbihiisa ka baxay.

Labadaasi masuul ayuu Ra’iisul; Wasaaraha ku Eedeeyay in ay maleegayaan qorshe xukumada afka ciida loogu darayo ama ay meesha ka saarayaan jiritaanka Xukumada KMG ah oo hadda Baarlamanka ay doonayaan in ay horgeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in Marnaba Xukumada aanay hortagi doonin Baarlamanka oo uu shegay in loo adeegsanayo sidii meesha looga saari lahaa jiritaanka Xukumada KMG ah oo hadda Mowshin laga diyaariyay.

Labada Ra’iisul Wasaare ku  xigeen ayaa waxa ay ku qanceen Mowshinka iyagoo xilli Ra’iisul wasaaraha maqnaa doonayay in Xukumada ay hortagto Baarlamanka wallow Dr.Sharma’arke oo ka soo gaarsiiyay.

Illaa xiligan waxaa la dareemayaa qorshe la maleegay oo lagu doonayo in xilka looga tuuro Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo hadda ay garbihiisa ka bexeen labadiisa ku xigeen waxaana Baarlamanka la filayaa in maalmaha soo aadan ay ka faristaan arimaha Xukumada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]