VIDEO: Raiisal Wasaaraha Norway oo Taksiile iska dhigay

Posted on Aug 11 2013 - 9:55pm by Chief Editor
Tweet
Pin It

Waa fiicnaan lahayd in qof kasta oo madax sare ah uu sidaan oo kale sameeyo (Soomaaliya marka laga reebo, Amniga daraadiis).

Raiisal Wasaaraha Norway, ayaa iska dhigay Taksiile si uu u maqlo fikradaha dadkiisa ay ka qabaan maamulkiisa iyo   siyaasadda dalka.

Taksiga uu waday Raiisal Wasaaruhu ayaa waxaa ku xiran kaamarooyin qarsoon, Rakaabka uu soo qaadayna waxay u kala baxeen dad isaga raacsan iyo kuwo isaga ku kacsan laakiin sida deganaanta iyo waaya aragnimadu ay ku dheehan tahay ee uu RW shaqadan darawalnimada ah u sameeyey ayaa ah mid ku dayasho mudan.

Dadka soo raacay taksigiisa ayaa u qaadan waayey inuu wado Raiisal Wasaaraha dalkooda, Qaar dadka soo raacay ayaa u malaynayey inuu yahay qof u eg R.W. Jens Stoltenberg laakiin markay garowsadeen inuu isaga yahay ayaa mudan inaad nala daawataan.

Waa mahadsan tahay Mr Jens Stoltenberg.

Screen shot 2013-08-11 at 9.44.54 PM

Fadlan Taabo calaamadan si aad English ugu akhrisato hadaadan norsk aqoon.