Bartamaha(Muqdisho):-Dr.Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaaraha dowlada Fd Soomaaliya oo maanta shir’jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in saraakiishii dhawaan laga afduubtay Muqdisho ay ku heshiiyeen Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Ra’iisul wasaaraha KMG ah Ee dowlada Somaaliya ayaa waxa uu sheegay in kooxaha afduubka gaystay ay ahaayeen kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam kuwaasi oo uu sheegay in ay kala qeybsadeen saraakiishii laga afduub tay hotelka ku yaala Isgoyska KM.4 Ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in kooxo burcad gacansaar la leh ururka Xizbul Islaam ay afduubkaasi geysteen balse waxa uu sheegay in Alshabaab ay arintaasi soo fara galiyeen iyagoo ka dalbaday in ragga la kala qeybsado sidaana ay kooxdaasi u dhiibtay mid ka mida Saraakiisha Faransiiska ah.
“Ragaan Faransiiska ah ee la afduubtay waxaa haystay Xizbul Islaam oo kala baxay Hotelkii ay daganaayeen,haddii wax dhibaata ah loo gaysto saraakiishaasi waxaa masuul ka ah Kooxda Xizbul Islaam maadama ay iyaga afduubteen,wax siyaasad ahna raggaasi laguma gaaraayo….â€ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.
Ugu danbayntii shirkii jaraa’id Ee Maanta uu qabtay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxa uu ku baaqay in dhammaan Kooxaha gacanta ku haya ay muddo kooban gudaheed ay sii daayaan saraakiisha faransiiska ah .
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com
Muqdisho-Somalia.