Waxaa maalintii Khamiista taariikhduna ahayd 12/30/2010 lagu qabtay magaalada Minneapolis, kulan weyn oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota.
Kulankan oo ka dhacay xarunta weyn ee kulamadda iyo aroosyadda ee Safaari ayaa ula jeedaddiisu ahayd in la siiyo fursad ay kuwadda xiriiraan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota.
Haddaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota oo lagu tilmaamo in tahay qurba joogta Soomaaliyeed ee degan wadanka Mareykanka, kuwooda ugu tirrada badan iyo ra’iisal wasaaraha ayaa waxay khadka taleefanka isku weydaarsadeen warbixin, afkaar, su’aalo iyo talooyin la xiriira dalka Soomaaliya iyo mustaqbalkiisa.
Ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, guubaabo iyo in dib loo xuso taariikhda qaniga ah ee dalka Soomaaliya iyo dadkii u soo halgamay. Wuxuu tusaale u soo qaatay tariikhdii xisbigii dhalinyarrada ee SYL iyo wadaninimadooda. Wuxuu dadweynihii uu khadka taleefanka kula hadlayey ku dhiiri geliyay in ay Soomaalinimada isku taageeraan, wadaninimada adkeeyaan oo ay mar walba is xasuustaan. Wuxuu kale oo uu xooga saaray ra’iisal wasaaruhu in dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ay wax istaraan, waxbarashadana xooga saaran. Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa wuxuu ku celceliyay in waxbarashada xooga la saaro, waxna la barto, ubadka iyo dhalinyarrada Soomaaliyeedna waxbarashada lagula dedaalo.
In mudo ah markii uu hadlay ra’iisal wasaaruhu ayaa waxaa loo gudbay su’aalihii la’weydiinayay mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo). Waxaa la weydiiyay ra’iisal wasaaraha dhawr su’aalood isaga oo ka jawaabay dhamaantood. Haddaba waxaa kamid ahaa su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyay kuwan hoos ku xusan:
S1. Ra’iisal wasaare, ma jirtaa Qorshaha dowladaadu ay rabto in ay ku shaqayso oo qoraal ah ama qoraal ku cad?
J1. Jawaabtii ra’iisal wasaaraha uu ka bixiyay ayaa ahayd in dawladiisu soo uruurisay dhamaan qorshaha ay rabto in ay ku shaqayso, loona gudbiyay Wasaarada qorshaynta qaranka iyo xiriirka caalamiga, oo uu masuul ka yahay, wasiirka qorshaynta qaranaka Cabdiwali Cali, mar dhowna haddii uu Eebe ka raali noqdo laga filayo in qorshahaas oo qoraal ah shaaca laga qaado.
S2. Su’aashii labaad ee la waydiiyay ayaa waxay ku wajahnayd dakhliga iyo miisaaniyaddii loo ansixiyay ee ay xukuumaddiisu ku talajirto in ay ku shaqayso sannadka 2011, in ay tahay mid ay dawladiisu gacanta ku hayso, mise waa mid ay ka sugayaan dalal shisheeye iyo deeq bixiyayaasha?
J2. Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa uu ku jawaabay in dhakhliga iyo miisaaniyadda ay ka helayaan dalka iyo dibadiisaba. Waxa uu sheegay ra’iisal wasaaruhu in ay dekadda dalka ay tusaale ahaan tahay meelaha dekhliga dalku ka soo galayo, halka dakhliga dibada ay ka filayaan uu yahay deeq dibada uga imaanaysa. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu raaciyay jawaabtiisa in miisaaniyadda loo ansixiyay dowladiisa ay ahmiyad dheerad ah iyo qayb weyn ay ka qaadanayso mushahaarka ciidamadda dalka, amaanka dalka, iskuulada iyo waxbarashadda dalka.
S3. Amiira Axmed oo kamid ahayd dadweynihii goobta joogay iyo gudigii soo qaban qaabiyay kulanka, ayaa waxay waydiisay ra’iisal wasaaraha in dawladiisu ay ogaatay wixii lagu dilay iyo dadkii dilay Aqoonyahan Bashiir Axmed oo lagu dilay Soomaaliya?Marxuun Bashiir Axmed ayaa ahaa ganacsade ka tagay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
J3. Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa uu marka hore dadweynihii goobtaas joogay ka codsaday in loo duceeyo marxuun Bashiir Axmed oo ahaa nin qiimo badan. Wuxuu kale oo uu sheegay in ay jiraan aqoon yahaniin badan, shicib badan iyo maati badadn oo iyaga oo aan waxba galabsanin ku dhintay dalka. Wuxuuna raaciyay in la joojiyo dhimashadda macno la’aanta ah. Wuxuuna xasuusiyay in aan la baqin, wadankana la yimaado, Bashiir Axmedna ay tiisii gashay.
S4. Fartun Cabdi Shire ayaa waxay waydiisay ra’iisal wasaaraha, midowga Alshabaab iyo Xisbul Islam waxa ay ka badali karto siyaasada dalka Soomaaliya?
J4. Ra’iisal wasaaraha oo jawaabtan ku dheeraday ayaa waxaa uu ku jawaabay: In midowga Al-shabaab iyo Xisbul Islam ayna waxba ka badalaynin siyaasada dalka Soomaaliya. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Al-shabaab ay sheeganayso magac dhallinyaro, balse ay mudan tahay in lagu daydo dhallinyaradii SYL ee sida dhabta ah ugu soo halgamay dalka. Waxa uu sheegay in ay Alshabaab Soomaalinimo ayna rabin, dad ajnabi ah oo danbiilayaal ahina ay hogaaminayaan, calanka dalka iyo dadkiisana ay dan ka lahayn. Waxa uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in siyaasada dawladiisu tahay mid nabad raadin iyo wada xaaltoon ku salaysan. Wuxuu yiri, ” Soomaalidu waa dad isku dal iyo diin ah”.
Ra’iisal wasaaraha oo wali su’aasha ka jawaabaya ayaa wuxuu sheegay in midowga Alshabaab iyo Xisbul Islam uu sii wadi doono khaladka la khaldayo dhalinyarrada iyaga oo macno la’aan ku dhimanaya. Waxa uu ku daray intaas in ay dawladiisu ay rabto in ay dhalinyarrada iskuul geeyso, jaamacado dalka iyo dibadiisaba ay deeq waxbarasho ku geynayso dhalinyaradda la marin habaabinayo. Habeen iyo maalin ayeey dhalinyarrada ay Alshaab marin habaabisay nala soo xiriiraan iyaga oo raadinaya sidii ay oga fara baxsan lahaayeen, ayuu yiri ra’iisal wasaaruhu. Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa wuxuu yiri, “Alshabaab ayaa weerar nagu ah, waxa dagaalada iyo weerarka ku dhinta, kuna dhamaaday waa dhalinyarrada. Madaxda Al-shabaab magalaan dagaalka, dhaliyarrada ayey adeegsadaan, haddii ay run sheegayaan dagaalada waa in ay safka hore ka soo galaan”, Wuxuu kale oo uu si raaciyay in ay dawladiisu la dagaalamayso haday diidaan nabada.
S5. Saalax Axmed Barre ayaa waxa uu waydiiyay ra’iisal wasaaraha in isaga iyo dowladiisuba ay wada hadal la yeesheen culumada Soomaaliyeed si wadanka loogu dhaqo shareecada Islaamka?
J5. Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa uu ku jawaabay, ” Haa culumadda Soomaaliyeed iyo waliba kuwooda aqoonta leh wada hadalo fiican iyo wacyi galin ayeey nala wadaan”. Wuxuu intaas ku daray in wadanka Soomaaliya uu yahay wadan Muslim, shicibkiisuna ay yihii muslimiin, diinta Islaamka ahna dalka iyo dadka ay dowladiisu ku dhaqayso.
Cabdi Cali oo ahaa qofkii ugu danbeeyay ee su’aal weydiin lahaa ra’iisal wasaaraha ayaa wakhtiga oo dheeraaday daraadiis, waxa uu ku soo gabagabeeyay mahad celin uu u mahadceliyay ra’iisal wasaare Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) iyo wakhtiga uu siiyay dadkiisa iyo dalkiisa. Cabdi Cali ayaa waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in reer Minnesota ay Soomaalinimada iyo calanka buluuga ah ee xidigta cad dhexda ku leh ay taageerayaan. Wuxuu kale oo uu talo ahaan u raaciyay in ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota jeclaan lahaayeen sidii ay ku yeelan lahaayeen hab fududeeya xiriirka dowladda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota.
Waxaa kale oo iyaduna khadka taleefkan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota, Wasiiru duwlaha ra’iisal wasaaraha Sahro Cali Samatar oo iyaduna barnaamijka kala qayb gashay ra’iisal wasaare Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo).
Haddaba kulankan oo ay ka hadleen qaarkamid ah xildhibaanadda dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda Ururada u adeega bulshada Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ayaa gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa goobtaas ku qushuucday oo heeso wadani ah iyo kuwii calanka Soomaaliya goobta ka qaaday gabar Soomaaliyeed oo magaceeda ku sheegtay Xaawo. Xaawo ayaa sheegtay in Calanka Soomaaliyeed uu mid noqdo, madaxweynaha dawladda Sh. Sharif iyo dadka dawladiisa wax ka maamulayana ay nabad ku waaran. Xaawo ayaa hadalkeeda iyo kulankaba ku soo dhamaystirtay jacaylka ay dalkeeda u qabto, iyada oo ku celcelinaysa, ” Soomaaliya Waan Jeclahay, Soomaaliya Waan Jeclahay, Soomaaliya Waan Jeclahay”.
Qalinkii: Abdirahman Mukhtar, Minneapolis, MN USA
Tixraaca Sawiradda: Ilyaas Mogadishutimes