Qaraxyo Xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada Magaalada Balad-Weyne iyo xaalada oo saaka dagan.

Posted on Aug 5 2009 - 8:59am by News Desk
Tweet
Pin It

baladweyneBartamaha(Balad Weyne):-Qaraxyadan oo ahaa kuwa  si isdaba joog ah loolu weeraray Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya oo waday howlgalo ay ku adkeynayeen Bandow magaaladaasi saran.

Qaraxyada mid ka mida ayaa waxa uu ka dhacay Buundada Liiq-liiqato Ee Bartamaha Magaalada B/Weyne halka midka 2-aad oo aan wax badan ka danbeynin uu isaguna ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Magaaladaasi.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa 3-ka tirsan Ciidamada Dowlada Ee Banboyinka lagu weeraray iyadoo aan la ogayn qasaarha gaaray kooxda weerarka soo qaaday oo ay rasaas bastooladu ka dhacaysay ay isweydaarsadeen Ciidamada dowlada.

Xaalada ayaa saaka waxa ay tahay mid aad u dagan iyadoo Ciidamada Dowlada ay wadaan howl-galo ay ku baarayaan gawaarida iyo rakkaabka saran gudaha Magaaladaasi iyadoo ay xaalada ammaanka ay caadi ku soo laabatay .

Si kastaba ha ahaatee qaraxyadan ayaa qeyb ka ah iska hor’imaadyo aan sidaa u xooganayn oo habeenadii la soo dhaafay joogta ka noqday Magaalada Baladweyne xilli magaalada ay tahay Bandow bilaabanayay xiliga galabtii ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.