Qaraxyo Xalay ka dhacay Magaalada Kampala.

Posted on Jul 12 2010 - 10:46am by News Desk
Tweet
Pin It

kampala1Bartamaha (Nairobi):- Qaraxyo xoogan oo is xigxgigay oo xalay ruxay Magaalada Kampala ayaa sababay qasaara badan oo gaaray dad rayid u badan.

Qaraxyada oo gaaray 3-qarax ayaa waxa ay ka kala dhaceen laba goobood oo ay ku badnaayeen Ethiopian iyo dadka wadanka u dhashay.

Qaraxa hore oo dhacay abaara 10:00-Fiidnimo ayaa waxa uu ka dhacay goob ay Baar ku lahaayeen Jaaliyada Ethiopia ee Bariga Magaalada Kampala waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 20-ruux 30-kalana dhaawac ayaa soo gaaray .

Muddo yar ka dib ayaa laba qarax oo is xigtay waxa ay ka dhexeen goob Club-ah oo ay u badnaayeen Jaaliyadaha kala duwan ee Kenya,Ethiopia iyo dad kale oo dalal kale ka soo kala jeeda.

Qaraxyada ayaa waxa ay ku soo wada aadeen xilli dadka Magaalada ku dhaqan ay ku sii jeedeen Shaashadaha iyagoo daawanayay Finalka Koobka Adduunka oo xalay ka dhacayay Magaalada Johanesperg.

Qasaaraha qaraxyada Labada ah ee ka dhacay Clubka ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu badan waxaana dhintay in ka badan 76-ruux 100-kalana dhaawac ayaa soo gaaray oo dhammaan dalal kala duwan ka soo kala jeeda.

Qasaaraha ayaa waxa uu yahay mid sii kordhaya xilli waliba waxaana jira dad dhaawac halis ah oo la geeyay Isbitaalada Magaalada Kampala ee Dalkaasi Ugandha.

Faah-faahina dheeraad ah kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.