Qarax xoogan oo xalay lala beegsaday saraakiisha Xizbul Islaam Balad Weyne.

Posted on Jun 29 2009 - 5:24am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-mapBartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa xalay saqdii dhexe lagu tuuray Hotel ay daganaayeen Saraakiisha Kooxda Xizbul Islaam Magaalada Balad Weyne kaasi sababay qasaare kala duwan.

Wararka laga helayo elo wareedyo ku dhow dhow Hotelka xalay lkagu weeraray bXizbul Islaam oo ku yaala Xaafada Howl-Wadaag Ee Galbeedka Balad Weyne ayaa la shaaciyay in uu dhawac ka soo gaaray masuul sare oo ka mid ahaa xoogagaasi Xizbul Islaam iyo ruux la dfaganaa hotelkaasi.

Xaalada Xaafada How-Wadaag B/weyne ayaa xalay ahayd mid aad u kacsan iyadoo Ciidamada kooxdaasi ay soo buuxiyeen Deegaankaasi oo ay wada maamulaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Qaraxa ayaa dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha Degmadaasi B/Weyne iyadoo rasaas jiha waliba laga maqlay oo Magaaladaasi ah taasi oo shacabka Deegaankaasi ay u qaateen iska hor’imaad u dhexeeya labada koox ee Mucaardka isku ah.

Ma aha markii ugu horeysay ee qarax nuucaani oo kala ah lala beegsado Sarakiisha Xizbul Islaam ee maamulka u haysa xaafadaha dhanka Galbeed Ee B/Weyne iyadoo horey loo dhaawacay madaxii ammaanka Kooxdaasi oo qarax bam ah lagu beegsaday gudaha deegaankaasi ay maamulka u hayaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.