Bartamaha (Muqdisho) Qaraxan oo ahaa miinada nuuca rumuudka laga haga ah ayaa manta waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen ciidamada dowlada Fd Soomaaliya kuwaasi oo ay waxyeela badani ka soo gaartay.
Miinada oo ahayd mid lagu aasay goob aan ka dheereen isgoyska KM.4 ayaa Duhurnimadii manta waxaa lala eegtay ciidamada Booliiska Dowlada Fd soomaaliya gaari ay wateen kaasi oo gabi ahaanba burburay.
Inta la ogyahay gaariga la qarxiyay ayaa waxaa ku geeriyooday illa 6-askari oo ciidamada dowlada ah iyadoo uu ku dhaawacmay Sargaal Booliiska ka tirsanaa kaasi oo aan la shaacin magaciisa iyo ciidamada 4-Askari ahaa.
Ciidamada Amisom oo aan ka dheereen goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay fureen rasaas dadka lagu kala Eryayay taasi oo ay dheereed ciidamada dowlada Fd soomaaliya oo Hoos rasaas nool nool ugu dhigay shacabkii wadadaasi isticmaalayay.
Qasaaraha Ciidamada gaaray ka sokow waxaa jirta waxyeela ka dhalatay rasaasta aan arxanka lahayn oo ay wada Fureen ciidamadii la qarxiyay qaarkii ka haray kuwii dowlada oo goobahaasi ka dhawaa iyo Ciidamada Amisom taasi ayaa sababtay geerida 4-Ruux oo rayid ah oo ay laba ka mid ah ah ay Haween ahaayeen iyadoo ay dhaawacmeen 5ruux oo goobaha ku dhowdhow isgoyskaasi ay rasaastu ku haleeshay.
Ma Jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Booliiska ah ee maanta Miinada loo dhigay iyadoo isbitaalada loo daadgureeyay shacabkii ka haray dadkii ku dhaawacmay rasaastii ka danbeysay qaraxa dhacay manta.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.